Xukuumadda Oo Faahfaahisay Qodobbo Lagaga Hadlay Kulan Hargeysa Ku Dhex Maray Madaxweyne Biixi Iyo Wefti Ka Socday Shiinaha

0
619

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay kulan Magaalada Hargeysa ku dhex maray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti heer sare ah oo ka socday Dalka Shiinaha.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi ayaa Jimcihii doraad wuxuu Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Wefti uu hoggaaminayey Wakiilka China u qaabilsan iskaashiga Africa iyo China Ambassador Zhou Yuxiao, kuwaasi oo Somaliland u yimid inay kala hadlaan arrimo ay ka mid yihiin xidhiidhka cusub ee Somaliland la yeelatay Taiwan oo Shiinuhu aaminsan yahay inay tahay dal ka mid ah.

Laakiin, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA ayaa sheegay in Weftiga Shiinaha ka socday iyo Somaliland isla garteen arrimo khuseeya dhaqaalaha, Baayac-mushtarta, isku socodka iyo arrimo kale oo labada dal muhiim u ah.

Wasiir ku-xigeenka oo ugu horrayn sharraxaya sida kulanku u dhacay ayaa yidhi “Kulankani wuxuu dhex maray Dawladda Somaliland oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada iyo Wefti nooga yimid Dalka Shiinaha, kuwaasi oo ka socday Wasaaradda Arrimaha dibedda, kuwaasi oo uu hoggaaminayey Masuulka Shiinaha u qaabilsan Iskaashiga Afrika, waxaanu ka wada-hadlay arrimo khuseeya labada Dal ee Somaliland iyo Shiinaha.”

Wasiir ku-xigeenka oo la waydiiyey ujeeddada ay Weftiga Shiinuhu Dalka u yimaaddaan ayaa ku jawaabay “Ujeeddada Safarka Weftigu waxay ahayd inay Somaliland kala xaajoodaan sidii ay iskaashi cusub u samayn lahaayeen oo dhinac walba leh, Somaliland-na way soo dhawaysay. Somaliland siyaasaddeedu waa siyaasad furfuran oo ay Adduunka oo dhan si siman ula macaamilayso, iyadoon dalna dhibaato uga imanayn, markaa kulankaasi wuxuu ahaa kulan aad la isku afgartay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Maaddaama oo Shiinuhu yahay Dal weyn, dhaqaale ahaana dalka labaad yihiin, dhaqaalahooduna aad u korayo, Somaliland-na ay dhaqaale ahaan aad isugu xidhan yihiin oo Baayac-mushtarkeena badidiisu uu ka yimaaddo dalka Shiinaha, waxyaabaha laga wada hadlay waxay ahaayeen sidii Arrimaha dhaqaalaha, Ganacsiga, isku socodka iyo wixii kale ee laga Wada-hadli karaba ay Dawladda Shiinuhu Xoojiso, Wada-hadalna uu u furmo, Weftiyo iyo isku socodka laga wada shaqeeyo, arrimahaas ayaa ugu waaweynaa arrimihii ay Somaliland iyo Weftigii China ka wada-hadleen..”