Xukuumadda Oo Bilaabaysa Fulinta Kiisaska Qisaasta Ah

0
487

Picture5

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa la filayaa inay toddobaadkan bilowdo fulinta qisaasta kiisaska dilka ah ee maxkamadaha ka dhammaaday, waxaana la filayaa in tiro maxaabiis ah oo falal dil u xidhan lagu fuliyo qisaasta.

Tiro maxaabiis ah ayaa la sheegayaa in kiisaskoodu xukuumadda ka dhammaadeen islamarkaana lagu jiro bilowga in lagu fuliyo dilalka lagu xukumay, ka dib markii ay si badheedh ah qudha uga jareen marxuumiin ay u dileen siyaabo kala duwan.

Fulinta kiisaska dilka ah ayaa la sheegayaa in Madaxweyne Silaanyo saxeexooda ku dhiiraday ka dib markii ay bateen dilalka bulshada dhexdeeda iyo weliba kuwa ciidamada Somaliland ka dhex dhacaa oo aan hore u jiri jirin.