“Xukuumadda Ku Hawlahan Khilaafka Saylac, Hawlaheedii Qaranka Ayaa Baylah Ah”Xildhibaan Cali Aareeye

0
638

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in sifo sharciga waafaqsan loo doortay Maayarka iyo Maayar ku xigeenka Golaha Deegaanka ee Magaalada Saylac, balse waxa uu khilaafka soo noq-noqonaya ee Golaha Deegaanka ee Saylaca uu masuuliyadeeda dusha ka saaray Xukuumadda, oo uu sheegay inay faragelin ku hayso, waxaanu ugu baaqay inay faraha kala baxdo. 

Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Markii la dooranaayey Golaha Deegaanka ee Saylaca, waxaynu ogeyn wixii ka dhacay, iyo buuqii ka dhashay inay Xukuumaddu masuul ka ahayd, imikana iyadoo khilaaf iyo buuq aanu ka jirin bay Xukuumaddu hadda ka abuurtay, Golaha Deegaanka ee Saylaca, wuxuu isla gartay inuu sifo sharciya u maro xil ka qaadista Maayarka, si sharciya ayaana loo doortay Maayarkan cusub, oo c.od aqlabiyad ah ayuu ku helay, markaas Xukuumaddu intay ku hawlan tahay khilaafka Golaha Deegaanka Saylaca, hawlaheeda baylahsan ee uu sicir bararku ka mid yahay wax ha ka qabato, sicir bararka oo aynu ognahay inuu yahay aafo balaadhan oo ku baahday dalka oo dhan intay ka seexatay, oo ay waxba ka qaban kari weyday ayey ku soo meeraysaysanaysaa Gole Deegaan”