Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE Oo Iftiimiyay In Abaartu Sabab U Noqon Karto Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashada

0
448

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland iyo xisbiga KULMIYE, ayaa markii u horaysay iftiimiyay in xaaladda abaareed ee ka jirta deegaano ka tirsan gobalada bari ay sabab u noqon karto doorashada oo dib u dhacda.

1

La taliyaha madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Md. Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) iyo guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), oo shalay warbaahinta siyaabo kala gooni-gooni ah ula hadlay ayaa sheegay in haddii aan Alle raxmadiisa shubin ay abaartu doorashada dib u dhigi karto.

Cabdillaahi-Jawaan oo u waramay weriye Maxamed-Daacad oo ka tirsan Bulsho TV, ayaa ugu horayn yidhi “Waxaad ogtihiin in dadka la diiwaangeliyay oo doorashaduna ku salaysantahay gobal gobal oo qof waliba gobalkii laga diiwaangeliyay ay tahay inuu codka ka bixiyo, taasi haddii aan abaartu inaga jabin ma suurtogalayso inay yimaadaan, qof wlaba halkii naftu u eriday ayuu tagay.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi  “Komishanka doorashadu way qaban karaan, lacagna waa la heli karaa laakiin dadkii codaynayay goobihii loogu tallo galay ma joogaan. Markaas haddii aan faraj kale Alle bixin way adkaanaysaa in doorasho la qabto.”

Guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE Jaamac-Shabeel, oo isna warbaahinta la hadlay ayaa yidhi “Abaar baa ina haysa, haddii abaartaas Alle inaga jabiyo doorashadu way qabsoomi doontaa, annagaa u diyaar ah anagaan jeclayn in maalin lagu daro, madaxweynahaan ogolayn in maalin lagu daro, laakiin haddii Alle inaga jabin waayo abaartaas tii bini-aadamku meesha ayay ka baxaysaa oo taas Alle ayaa loo hoggaansamayaa wakhtiga Alle roobka shubo ee dadku codayn karaan ayuun bay noqonaysaa.”

Doorashada madaxtooyada ayaa la qorsheeyay inay qabsoonto March 2017, waxaana weli la sugayaa mawqifka guddiga doorashooyinka qaranka.