“Xukuumadani Waxba Kama Taqaan Dawladnimadu Waxay Tahay”

0
465

Picture1Hargeysa (Geeska)-Xasan Xuseen Maxamed (Codyare), oo ka mid ah masuuliyiinta iyo aasaasayaasha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay sii dayso Ganacsato, Odayaal iyo Aqoonyahano reer Awdal ah oo ay xidhay.

Xasan Xuseen Maxamed (Codyare), oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumaddu aanay aqoonin dawladnimado waxa ay tahay oo sida ay doonto hantida umadda ugu tagashi fasho, oo aanay u joojin Golaha Barlamaanka iyo Garsoorka, waxaanu yidhi “Waxa la yidhi alifkii ka xumaada albaqra ayuu ku dhibaa, xaalad mar hore xumaatay oo soo jiitamaysay oo Xukuumaddu sabab u tahay ayaad mooda inay baryahan qaraxday, taaasina waa cadaalad darada jirta, sida uu Kulmiye u qabtay taladda dalka qaybi iyo xukun ayuu ku jiray, dadkuu qaybiyey, qaybtaasina waxa ay keentay inay cuduro badan abuurto, xukunkii la wada lahaa ayey in badani ka qatan tahay, markaas waxa jira cadaala daro badan iyo cadaadis badan oo Bulshada Somaliland lagu hayo, waxa aana tusha ka saaraya Xukuumadda, haddii ay noqoto maamul xumo iyo farsamo la’aan, waxaad mooda inay dawlad la’aani jirto.” Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Dadkii masuulka ka ahaa Gobolka Awdal iyo Wasaaraddii Arrimaha Guddaha ee amniga inoo qaabilsanayd waxa aad mooda inay arinta Awdal ku kufeen, iyada oo Gobolo badani marti yihiin ayaa Badhasaabkii xukumayey Gobolka Awdal in la weeraro waa daciifnimo xukuumadda ka timid, qofkuna haddii uu xilkiisa ka soo bixi waayo waxa qurux badan inuu xilka iska casilo, Magaaladii Nabada, Horumarka iyo Aqoonta oo hooyo u ahayd Somaliland inay maanta xero dhiig noqoto waa nasiib daro, in Ciyaaraha Gobolada gaar ahaan Garoonka Boorama inuu noqdo  xero ciidanka loo oodo waa nasiib daro, waxaana wax aad loola yaabo ah in inan ka soo baxaya masaajidka, inan tarabuunka fadhiya iyo mid banaanka maraya ayaa xabadihii iyo rasaastii askarta ku dhintay,Xisbiga Waddanina arintaas Shalay (Doraad), Madaxweyne ku xigeenka oo ah ku simaha Madaxweynaha wey iska arkeen weyna kala taliyeen, waxa aad mooda inay wax kale jiraan maxa yeelay goboladii dalka dhib ayaa ka taagan, ha u sii darnaado Gobolka Awdale, waxaana taci u dirayaa ehelkii, qarabaadii iyo shacab weynaha reer Somaliland ee ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday xabadahaas”. Xasan Xuseen Codyare ayaa mar uu Xukuumadda la hadlaayey waxa uu yidhi “Xukuumadda waxa aanu ka codsanaynaa oo aanu ugu baaqaynaa inay soo dayso Ganacsatada, Madax dhaqameedka, Odyaasha iyo Aqoonyahanada ay iska xidhay, kuna xidhay sharci darada, dadkan ay xidhayna waa dadkii ugu muhiimsanaa Bulshada ee ay markasta oo ay wax dhacaan adeegsan lahayd inay wax la qabtaan”. Xasan Xuseen ayaa mar uu ka hadlaayey Haamaha waxa uu yidhi “Xukuumaddani waxba kama taqaan dawladnimadu waxa ay tahay, wax aqoona uma laha, waxaana dhab ah inay Dawladnimada la isku yidhaahdo Barlamaanka, Garsoorka iyo Fulinta, waxa ay baalmartay Garsoorkii iyo Barlamaankii, oo waxa ay si cad oo badheedh ah u diiday indhahana ka xidhatay go’aankii Barlamaanka ee ay ku diideen go’aankii lagu wareejinayey Haamaha Shidaalka, waxayna doonaysaa in iyada oo aan xeer loo sameeyn oo aan sharci loo sameeyn inay cid gaar ah ku wareejiso, waana khalad iyo sharci daro weyn”.