Xukuumada Siilaanyo Waa In Ay Is Miisaanto Inta Aan La Miisaamin

0
524

Ugu horeyn waxaan manta waxaan maqaalkaygan kooban kaga waramayaa qaar ka mid aha caqabadaha ka jira Gobolka Daad madheedh ku was oo u muuqda qaar xukuumada hada talada haysaa aanay u soo jeedin.  Waxaana ka mida arimaha aan diirada saarayo 1. Arinta shidaal baadhista 2. Diiwaan gelinta madeniga ah iyo 3. Qaar ka mida adeeg yada bulshada

Arinta shidaal baadhista

Iayada oo beryahan dambe ay soo korodhay arinta shidaal baadhista gobolkanina ka mid yahay meelaha la asteeyey ayaaa waxa kale oo jirta oo soo korodhay ciidamo loo qoranayo ilaalinta shirkadaha shidaal baadhista ee JSL hadaba Block26 oo ka mid ahaa meelaha shidaalka lagu tuhunsanyahay oo ku yaala deegaanada Gobolkan Daad madheedh horena ay u yimaadeen shirkado ay xukuumadu heshiis la gashay.

Hadaba ciidamadan la qoranayo oo ayaan cid na lagala tashan haday noqoto masuuliyiinta iyo dadka shacabka ah eek u nool midna. Gobolkuna wuxuu u baahan yahay wixii uu xaq u lahaa.

Waxa kale oo aan u sheegayaa cid kasta oo dnaynaysa arintan haday noqoto xukuumada iyo shirkadahaba in aan ciidamo aan nalaga tashan isla markaana meelo kale laga keenay aan la keeni Karin gobolka.

Gobolkan oo hodan ku ah xoolaha noolm sida geela iyo adhiga ayaa raga geela wata ee gaas dhagoolaha ah oo yaqaana hashooda iyo qorigooda  hadii marba layidhaahdo halkii hashiisu daaqaysay ayaa shidaal laga baadhayaa iyada oo aan waxba laga weydiin xaqiisiina lasiin waxa uu og yahay in hashiisu meesha ka baxayso

Ta kale hawshan cidii ku shaqalahaydba ma wado waxa arinta gacan ku leh wasiirka madaxtooyada , taas oo dadku is weydiinayaan ma raysal wasaaraa mise waa wasiir

Diiwaangelinta

Diiwaan gelinta madaniga ah oo aan weli gobolada wada gaadhin oo si gaabisa hargeisa uga socota ayaa markii la qorshaynayey goobaha diiwaan gelinta waxa la qorsheeyey in 6 goobood noqdaan goobaha gobolka daad madheedh taasina wax suurto gal ah maaha

Gobolkan oo ka kooban 4 degmo iyo 80 tuulo ayaa  sanaaduuqda cod bixinta waxa lageeyaa 44 goobood

Hadba waa in dhamaan la geeyaa goobaha dadku ku nool yahay si ay isku iiwaangeliyaan una codeeyaan

Dhaliilo guud

Gobolka daad madheedh waa gobol balaadhan oo leh dhul aad u baaxad weyn iyo khayraaad fara badan sidoo kalena dad aad u tiro badanin ku nool ayaa wax muuqda oo xukuumada silaanyo ka qabatay aanu jirin sida caafimaadka waxbarashada, biyaha iyo dhamaan adeegyadii aas aasiga ahaa kuwaas oo xukuumada dhexe looga baahnaa.

Sidoo kale waxaad moodaa in aan gobolnimada Daad madheedh aan laba ictraafsanayn oo wax kasta ay soo marayaan burco ama gobolkii Togdheer la xisaabinayo. Hadaba waxaan leeyahay gobol dumaal ma galee arintaa ha la joojiyo.

Ugu dambayn maah maah soomaaliyeed ayaa ahayd # nin aan kuu tudhini yaanu kuu talin#

Hadaba wax yaabahaa aan soo sheegay dhamaan waa xaqiiqo jirta una baahan in hoos loo eego xalkoodana la helo

WA BILAAHI TAWFIIQ