Xukuumada Oo Xisbiyada Mucaaradka Ka Kootaysatay Xafladaha Qalin jebinta Jaamacadaha

0
519

Hargeysa(Geeska)- Xukuumada Somaliland ee hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa u muuqata mid sanad kale  qaadaysa dariiqo ay jeexday mudadii ay  talada wadanka gacanta ku haysay.

1

Xukuumada ayaa guud ahaanba xafladaha loo qabto ardayda ka qalin jabinaysa jaamacadaha dalka ka mamnuucday inay ka soo qayb galaan masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka ah, taas oo ujeedada ugu weyn ee ay ka  leedahayna  tahay inaan ardayda hortooda lagu soo bandhigin dhaliilaha is biirsaday ee ka muuqda.

Xafladii ugu horaysay sanadkan 2016-ka oo maalintii shalay loo qabtay ardayda sanadkan ka qalin jabinaysay  jaamacada Camuud ayaa guud ahaanba aan wax marti qaad ah loo fidin hogaamiyayaasha  xisbiyada mucaaridka ah iyo masuuliyiintooda kale.

Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo la hadlay Star tv ayaa  nasiib daro ku tilmaamay inay xukuumadu sanad kale qaaday dariiq ay hore u jeexday waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Marka hore waan u hambalyeynayaa ardayda ka qalin jabisay jaamacada Camuud, waana jaamacadii inoo bilawday waxbarashada sare, aniguna waxaan ka mid ahaa ragii ka hawl galay markii la bilaabayey jaamacadaas aadna ugu farxay.”

Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Laakiin waxa nasiib daro ah ilaa markii ay timid dawlada Kulmiye anaga nalaguma casuumo xafladaha jaamacadaha , dawlada oo kaliya ayaa la casuumaa laakiin dawladii Rayaale dadka oo dhan ayey casuumi jirtay, waanu iska barbar hadli jirnay, xisbig kastaana aragtidiisa ayuu sheegi jiray.”

Madaxweynihii hore ee somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo ka qayb gali jiray xafladaha qalin jabinta ee jaamacadaha waa weyn ee dalka ayey xukuumadiisu si joogto ah ugu soo casuumi jirtay hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaridka ah, kuwaas oo ardayda hortooda ka sheegi jiray dhaliilaha ay leedahay xukuumadiisu, waxaanay dadweynaha somaliland si weyn u xasuustaan xaflad loo qabtay arday ka qalin jabinaysay jaamacada Hargeysa  taas oo gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku soo bandhigay dhaliilihii xukuumada Daahir Rayaale, isaga oo ardaydana ka dalbaday inay waydiiyaan dhaliilaha uu sheegayo madaxweyne Daahir Rayaale oo hortooda fadhiyey.

Si kastaba ha ahaatee xukuumada madaxweyne Siilaanyo oo lagu tilmaamo xukuumad ay dul hoganayaan dhaliilo tiro badan isla markaana aan jeclayn in la soo bandhigo dhaliilahaasi ayaa laga sugayaa inay isbadal ku samayso xafladaha loo qabanayo ardayda jaamacada isla markaana ay kaalintooda siiso xisbiyada mucaaridka ah ee dalka ka jira.