Sidii aynu ku xusnay qaybtii hore Cigaal AHN wuxu ku guulaystay in kooxdii ku xeernayd uu ka horyimaado markii uu ku qancay in hadii uu sii haysto aanu xaaladii jirtay ee dagaalka sokeeye xal u heli karin hadii aanay kaba sii darin. Go'aanka uu qaatay Cigaal wuxu keenay in dagaalkii sokeeyena dhamaado muddo xileedkiisii oo dhamaad ahaana sedex sanadood oo dambe dib loo doorto iyada oo dhinicii xukuumaddiisa dagaalka kala soo horjeeday ay sida ugu wayn u siiyeen taageeradooda iyaga oon u kala hadhin.
Nasiib darro, Cabdiraxaan Axmed Cali AHN kooxdii ku xeernayd iyaguna umay qabsoomayn isaguna gacanta kumuu qaban, taasina waxay sabab muhiim ah ka noqotay in xukuumadii SNM-na ay fashilanto Shirwaynihii Borame na qabsoomo oo mar kale beelaha Somalilnd ay aayahooda dib uga tashadaan.
Intii aan Borame la tegin dhinicii kale ee mucaaridka ahaa laftoodu waxay sameeyeen gef taariikhi ah markii ay diideen in dhinicii muxaafidka ay wada hadal la yeeshaan si loo qabto Kalfdhigii Golaha dhexe ka hor inta aan Borame la tegin. Taas oo Gudoomiye Cabdiraxmaan iyo ku xigeenkiisa oo ahaa Xasan Ciise Jaamac iyo weliba Gudoomiyaha Golaha Dhexe oo ahaa AHN Ibrahim Maygaag ba ay ogolaayeen.
Mucaaridka waxa u muuqday Cabdiraxmaan oo ay arkayeen inu dabin ugu jiro ilaa ay dhulka soo dhigaana wax kale oo marayay muu jirin, lakiin mawqifkooda ay dhinaca kale wuxu lumiyay fursadii ugu dambaysay ee labadii dhinac ee SNM ay si gaar ah ugu wada tashan kari lahaayeen. Taas ayaa keentay in bal wax kaleba daaye in xataa aan meel la isla dhigin waxa laga yeelayo mustaqbalka ururkii SNM ee horseedka ka ahaa halgankii dib u xoraynta Somaliland ee guusha dhaliyay. Sidaa daraadeed ayaan SNM loogu qaabay xisbi siyaasi, sida inta badan dhacda halganada guulaysta, xidhitaan rasmi ahna( official winding up) logu samayn oo aan meel lagu tiirin.
Xukuumadii Riyaale waxay ahayd xukuumad qunyar socod ah. Siyaaasadaha ay kula dhaqmi jiraytay mucaaridkeeda iyo xataa warbaahinta madaxa banaan ee wadaniga ahi may ahayn burburin ee waxay ku wajihi jirtay adkaysi iyo dulqaad. Khilaaf kasta oo Somaliland dhexdeeda ah nooc kasta uu yahay ama heer kasta uu gaadhsiisan yahay kumay degdegi jirin inay xal uga dhigto xadhig iyo xabad. Waxaynu odhan karnaa madaxwayne Riyaale mudadii uu xilka hayay isaga ayaa gacanta ku hayay muxaafidkiisa hadii ay xilal ka hayeen xukuumadiisa iyo hadii aanay ka haynin ba. Mudadii uu xilka hayayna way jireen muxaafid guulwadayaal ahaa iyo mucaarid mucangag ahaa oo weliba isla waynaan iyo gardiid nimo ku sifoobay. Kuwaas oo weliba ka soo jeeday xisbiga maanta talada haya, hadii uu hayoba ee Kulmiye. Lakiin muddo sideed sanadood ah,madaxwayne Rayaale isaga ayaa labada dhinac midna birayga u hayay midna adkaysi iyo dulqaad kula soo dhaqmayay, waana sababta xukuumadiisa oo ahayd mid liidatay ay hadana kaga soo badbaaday inay fashilanto. Warbaahinta oo weerar qaawan oo joogto ah ku hayn jirtay hubkiisa ugu culus ee uu kaga hortegi jiray ama iskaga celin jiray wuxu ahaa aamus, aamuskana kun balaayo ayuu kaga soo badbaaday madaxwayne Rayaale.
Xiligii Rayaale musuq maasuq iyo lunsiga hantida qaranku way jireen, lakiin inta maanta hal jeeb ku xeroota ayuun baa kun jeeb ku kala xeroon jirtay qaraabo kiil iyo qabyaalddina ma jirin oo nadiif ayuu ka ahaa.Hadii aanu sidaa yeelin afartii doorasho ee dalka ka qabsoomay kamay qabsoomi kareen iyada oo aan midna dhiig ku daadan.Hadii wax is daba marin iyo kham khamaado dhaceenna inta mucaaridku sameeyo wax ka badan may samayn jirin UDUB xisbi iyo xukuumadba isku daroo. Dhinaca nabadgelyada Rayaale oo markiisii horeba nabadsugid ahaa jiray wuxu ahaa nin qiimayn xaaladda nabadgelyada dhinaca mudnaantana ka horaysiiya wax wal oo kale isaga oo hadii uu wax walba ku waayayo aan ka ogolaan jirin kuwa isaga la shaqeeyaa inay ku kacaan wax uu is leeyahay wax bay u dhimi kartaa nabadgelyada iyo xasiloonida dalka.
Waxay ugu darnayd markii isaga oo madaxwayne ah uu booqasho ku tegay Laascaanood ee koox yar oo Puntland ka soo jeeday ay tacshiiradaysay iyo go'aankii uu qaatay ee markiiba loo arkay inuu yahay go'aan jilicsan oo bahdilaad ku ah Somaliland iyo Madaxwaynaheeda. Hadana muddo yar ka dib Caasimada gobolka Sool ee Laascanood waxay si buuxda u soo gashay gacantii maamulkiisa iyada oon khasaare sidaas ihina ka dhicin, marka loo eego wixii ka dhacay Buuhoodle oo ilaa iyo hadda ka maqan gacanta maamulka Somaliland.
Hadaba marka aynu eegno xaaladda maanta iyo xukuumadda talada haysa mar waxaynu odhan karaynaa oo run ah waa xukuumadii ugu nasiibka roonayd xukuumadihii soo maray Somaliland intii ay jirtay. Waayo marka hore xilka waxay la wareegtay xili ay Somaliland meel fiican soo gaadhay ka dib 19 sanadoodna geedi socodka qaran dhisku uu ka soo gudbay marxaladihiisii ugu adkaa dhibaatoyinkii ugu culayska badnaana ay xukuumadihii ka horeeyay dhabarka u dhigteen lagana soo gudbay.
Xaaladda dalku sidii ay ahayd xiliyadii labadii xukuumadood ee AHN Cabdiraxmaan iyo Cigaal ay xilka la wareegeen iyo xaaladii ay xukuumadani kula wareegtay talada dalka ayaa ah wax aan la is barbar dhigi karin ee kaaf iyo kala dheeri ah.Xataa xaaladii ay xukuumadii Rayaale xilka kula wareegtay ayaa aad uga liidatayta xukuumadani ay kula wareegtay xilka badhtamihii 2010-kii. Marka labaad mucaaridka ka soo horjeeda xukuumadani maaha mid wax dibin daabyo ah ku haya, hadii loo eego macaaridadii ka soo horjeedi jiray sedexdii xukuumadood ee ka horeeyay, oo colka Kulmiye ay mar walba iyagu hormoodka ka ahaan jireen, waaba afkaaga caano lagu qabay.
Marka xaalku sidaa yahay dhibaatada xukuumadan caqliga fayoobi wuu garan karaa in aanay ahayn mucaarid iyo wax uu macaaridku wado toona lakiin uu Madaxwayne Silanyo yahay madaxwayne ay maradiisu ku gubanayso oo halka laga dilayaa ay tahay madaxtooyadiisa dhexdeeda,xukuumadiisa dhexdeeda iyo xisbigiisa dhexdiisa oo koox daneedyo ay ku legdamayaan. Koox daneedyadu inay wada Kulmiye yihiin iyo in kale mooyi, lakiin xukuumadda dhexdeeda hore ayay ugu soo kala adkaadeen oo sidii loo kala adkaysiiyay ay ugu kala adkaadeen. Xisbiga laftiisa sida ay ugu kala adkaan karaan lagama yaabo inay noqon karto si ka duwan sida ay hadaba ugu kala adag yihiin xukuumadda iyo madaxtooyada dhexdeeda.Taas oo ah in kooxda loo yaqaano "WADAADADA" oo maantaba ah kuwa ugu awood badan talada dalka oo gaadhay ilaa iyo heer ay noqdeen xukuumad ku dhex jirta xukuumad, isla markaana halbawlayaasha qaranka oo dhan iyagu gacanta ku haya ayaa noqonaysa kooxda ugu awooda badan Kulmiye xukuumad iyo xisbiba, hadii aanu Madaxwayne Silanyo yeelin sidii AHN Cigaal uu yeelay markii uu madaxwaynaha ahaa.Sua'aashu waa ma yeeli karaa?