Xukumada Oo Albaabada U Furtay Maalgashadayaasha Dibadda

0
529

Picture5Haregysa (Geeska) – Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay furay xarun u gaar ah Maalgalinta ama Maalgashiga Caalamiga ah oo Wasaaradda Ganacsigu hirgalisay.

Munaasibad lagu daah-furayey isla-markaana hawlaheeda lagu dhaqaajinayey Waaxda Maalgashiga Wasaaradda Ganacsiga Somaliland, ayaa waxa ka qayb-galay wasiirrada Wasaaradaha Qorshaynta Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Xanaanada xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Dad Ajaanib ah iyo Marti sharaf kale oo badnaa.

Xafladda oo ka dhacday Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxaanu faahfaahiyey ujeedada loo sameeyay xafiiskan gaarka u noqon doona Maalgashiga dalka, waxaanu yidhi “Maalgashigu waa dariiqyada kooban ee u furan in dalkeena, sidaa awgeed, isaga oo Madaxwaynaha qaranku taasi ka duulaya waxa uu goostay in Maalgashadayaasha Caalamiga ah iyo ganacsada dalku ay ka qayb-galaan sidii arrintaasi loo hirgalin lahaa, arrintaas awgeed qofka Maalgashadaha ah ee dibadda ka yimaadaa ma jirto meel u gaar ah oo u cayiman oo ay tagaan, laakiin qofka ugu horeeya ee uu la kulmo ama halkii uu cid ka garanayo ee uu is leeyahay halkaas ayay hawshaadu ka hirgali kartaa ama hay’adaha qaranka dhammaantood ayuu la xidhiidhaa, arrintaasi waxay keentay in siyaasaddii hawlaha Maalgashiga shisheeyuhu ay noqoto mid kala googo’an oo aan urursanayn, taasi oo markaa innaga xumaynaysaa  ujeedadii aynu ka lahayn inaynu ka gaadhno”

Wasiirka oo sii hadlayaa waxa uu sheegay “Sidaa awgeed Madaxwaynuhu wuu saaray in arrimaha Maalgashiga iyo Ganacsiga la ururiyo, oo Wasaaraddu ganacsigu ay ka shaqeyso sidii ay u hawlgali lahayn, markaa annaga oo taasi ka turjumayna waxaanu samaynay waaxdii ama xafiiskii dalka arrintaasi u qaban-qaabin lahaa, waana Waaxda Maalgashiga oo ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Arrimaha xafiiskani khaaska u noqonaya ee uu ka shaqeynayo waxa ugu horeeya Diwaangalinta cid kasta oo Maalgashadayaasha dibadda ah oo dalka timaada, in halkaasi noqoto meesha ugu horeysa ee marka la talisa, khayraadka dalka haddii tahay kaluun, Macdan iyo khayraadka kale iyo meelaha aynu u baahanahay in la horumariyo ee warshaduhu ugu horeeyaan ay daraasado ka sameeyaan, dabadeedna la siiyo (Daraasaadka) Maalgashadayaasha dibadda inooga imanaya sida uu khayraadka dalku yahay”

Xafladda oo ka hadleen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland iyo Masuuliyiin kale oo badan¸ayaa waxa soo gunaanaday oo hadal ka jeediyay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu yidhi “Dhammaanteen farxad ayay inoo tahay inaynu u wanqallo xafiiskii Maalgashiga Somaliland, oo hoos imanaya Wasaaradda Ganacsiga,  Dawladayada Kulmiye farxad ayay inoo tahay, saddex sanadood ee aanu joogno waxaad moodaa inay soconayeen Maalgashadayaashu, haddana aad moodeysay in aanay jirin wax midho dhalaya, taasina waxay keentay in Madaxwaynuhu soo saaro in la xoojiyo xafiiska Maalgashiga oo gaar loo dhigo, sida dastuurka iyo xeerarkeenu dhigayaan”

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, waxa uu sheegay in xeerarka iyo shuruucda dalka aad moodo in aanay si u dhamaystirnayn “Waxaad moodaa in xeerarkeena iyo sharciyadeenu inay si u dhamaystiran yihiin, laakiin waxa innaga dhinaa in la hirgaliyo, sanadkii 2004-tii ayuu xeerku caddeeyay (Xeerka Maalgashadayaasha shisheeyaha) in la sameeyo Maalgashi, laakiin waan laga shaqeysiin, laakiin maanta (Shalay) ayaanu ku guuleysanay” ayuu yidhi.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, waxa kale oo uu ka hadlay sida loogu baahan yahay in dadku wax isku darsadaan oo ay Maalgalin sameeyaan “Lacago badan oo meelo kala gaar gaar ah taala waxba ma tareyso, adduunyadu waxay horumar ku gaadhay isku tagga, adduunyada laba nin oo midna Shiinaha joogo, midna Maraykanka joogo ayaa wax wada leh, innaguna innaga oo wada ilmaati iyo il-maadeer ah oo is wada naqaana ayaynu is aamini la’nahay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Markaa muhiimadu waxa weeyaan in la barto sidii ummaddu wax isugu darsan lahayn, Maantana ilaa dumarkeena ayaa ku xisaabtamaya ilaa boqol kun oo dollar, qofku waa inuu dareensanaadaa haddii maamul wanaagsani yimaado inaan lacagtiisii khasaareyn, dalkiina wax u tareyso oo dadkiina shaqo u abuurayso”

Madaxwayne ku xigeenku, waxa kale oo uu ka hadlay wax ka bedal lagu sameeyay sidii loola Macaamili jiray qofka ama shirkadda doonaysa inay dalka Maalgashato  “Wax badan ayaanu bedalay si Maalgashiga loo soo jiito, waxyaabaha aanu bedalnayna waxa ka mid ah waxa jiri jirtay 1% diwaangalin ah (Ayaa laga qaadi jiray), oo haddii shirkaddu dalka ku maalshanayso $1 Milyan waxa laga qaadi jiray $ 100.000, waxa raacaysay 2$ cashuur ah, 3% ayaa judh-dhiiba laga cashuurayey, isaga oo aan dalkii waxba ka soo galin, waanu ka joojinay mudadii aanu annagu xukuumadda la wareegnay, waxaana la gartay in 3% lagu cashuurayo uu ka badan shaqada uu abuurayo, maadaama oo uu ina Maalgalinayo, taasaa looga joojiyey in bilowgiiba la cashuuro, oo qalabkii imanayey cashuur dhaaf loo sameeyo, taasaana loo sameeyay inaan saddexda sanadood ee hore aan macaashal-macaash la waydiinin, wsaxaas oo dhana waxa looga jeedaa si dadka loo soo jiito”ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Anniga oo kale, shirkadda SHABA la yidhaahdo, waa waxyaabaha la dhiirigalinayo in dawladda iyo shacabku wax wada yeeshaan, barigaa shirkadda Shaba la abuuray waa lanaga qaaday 3% “