Shirkada Diyaaradaha Ultimate Air Oo Duulimaadyo Rasmi Ah Ka Bilowday Gobalada Dalka

1
686

 

jetHargaysa( Geeska)- Shirkada Ultimate Airayaa si rasmiya duulimaadkeedii koowaad Salaasadii ugu duushay  magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer, waana shirkad duulimaadyo rasmi ah ka bilaabi doonta gobalada Somaliland iyo weliba gobalka Geeska Afrika.

 

 

Maamulka shirkadan ayaa daboolka ka qaaday in diyaaradani ay noqon doonto mid dadka ka caawisa tagitaanka gobalada dalka iyada oo aanu qofku sii marin safar dheer, waxaanay diyaaradani u socotay magaalada Burco oo ay shalay tagtay 25 daqiiqo.

Geele Cismaan Geele oo ah maamulka shirkadan Ultimate Air oo warbaxin kooban ka baxinaaya diyaaradan duulimaadyadeeda iyo waxyaabaha ay dadka u fududayn doonto waxa uu yidhi “ Halkan aynu joognaa waa madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa sidaad noola socoteena waxaynu ka nimi Burco,  haddii alle idmana diyaaradan aynu soo raacnay waxa loogu talo galay in dalka gudahiisa ay ka shaqayso waliba waxaanu rajaynaynaa haddii rakaabku wanaagsanaado oo tiradu intaas ka badato inaan diyaarad labaad oo tan ka sii wayn aanu ku darno.”

Geele  Cismaan isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa kale oo loogu talo galay shaqada ingaydhka, oo cidii doonaysa in ay meel si dag dag ah ku tagto waa u diyaar waana laga kiraynayaa, Burco imika waxaanu ugu talo galnay inay diyaaradu todabaadkii shan cisho tagto kana soo noqoto, shantaas casho waxay noqonayaan maalmaha kale ee todabaadka marka laga reebo jimcaha iyo sabtida, magaalada Ceerigaabo duulimaadyadeedii waxay inoo bilaabmayaan iydana Axadan soo socota, Ceerigaabana waxay noqonaysaa saddex casho toddabaadkii, markaas waxaanu rajaynaynaa dadka Somaliland mid dibada ka yimi iyo mid gudaha joogaba inay adeegaas cusub ka faa’idaystaan.”

Saciid Mahdi Ileeye (Saqiiro) oo ka mid ah masuuliyiinta wasaarada duulista oo isaguna warbaahinta ugu waramayay madaarka caalamiga ah ee Cigaal ayaa soo dhaweeyay shirkadan duulimaadyada ka samaynaysa dalka gudahiisa waxaanu ku tilmaamay mid fududayn doonta isku socodka gobalada dalka ganacsigan wax ka tari doonta “ Halkan aynu joognaa waa madaarka caalamiga ah ee Cigaal waxaana imika inagu soo kordhay diyaarad dalka gudahiisa isaga gooshaysa waxay ka shaqaynaysaa gobalada dalka, diyaaradan waxa iska leh shirkada OGF, saaka [shalay] ayay duulimaadkeedii u horeeyay samaysay oo Burco ay rakaab u sii qaaday kana soo qaaday, runtiina wax weyn ayay ka tari doontaa isku socodka iyo waliba hawlaha dagdaga ah iyo kobcinta ganacsiga.”

Haweenay magaceeda ku soo gaabisay Nimco oo kamid ahayd rakaabka diyaaradan saarnaa oo siday haweenay beerku xanuunaayay oo awoodi wayday in ay socdaal dhulka ah kaga timaado magaalada Burco ayaa shirkadan ku tilmaamtay mid hawl fududayn fiican u qabatay “ Waxay taalay Burco muddo shan maalmood ah islaantu, waanay ku adkayd in baabuurta lagu soo qaado oo beerka ayaa xanuunaayay, haddana soo qaaditaanku  waa uu u fududaaday markaanu diyaaradan soo raacnay.”

Hooyadan xanuunsanaysay ayaa si dhaqso badan lagu gaadhsiiyay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo lagu waday, waxaanay diyaaradan ka caawisay in aan beerka oo xanuunaayay ruxitaan ku iman.

Diyaaradan ayaa wax weyn ka tari doonta isku socodka gobalada dalka, waxaanay si gaar ah faa’ido ugu noqon doontaa ganacsatada,shaqaalaha Haaya’daha,dalxiisayaasha iyo waliba dadka xanuunsanaaya oo wakhti yar lagu gadhsiin karo cisbitaalka xanuunkiisa wax lagaga qaban karo ee ugu dhow.

 

Comments are closed.