Xogo Dheeraad Ah: Macallin Hore Wax Uga Dhigi Jiray Kenya Oo Qorsheeyey Weerarkii Jaamacadda

0
522

Picture2Nairobi (Geeska)- Booliiska Kenya ayaa shaaca ka qaaday in macallin hore wax uga dhigi jiray dalka Kenya oo ah Soomaalida dalkaasi uu yahay maskaxda soo qorshaysay weerarkii uu ururka Al-Shabaab ku qabsaday jaamacadda magaalada Geerisa ee dalka Kenya khamiistii ina dhaaftay.

Booliisku waxa uu sheegay in macallinkan hore oo imika ka tirsan Al-Shabaab laguna magacaabo Maxamed Maxamuud uu qorsheeyey weerarkaas Jaamacadda Geerisa oo lagu dilay 142 Arday, 3 askari oo booliiska ka tirsanaa iyo 3 ka tirsan ciidamadii ammaanka ee goobta la keenay.

Maxamuud waxaa sidoo kale loo yaqaannaa magacyo ay ka mid yihiin Kunu, Dul-yadayn iyo Gacmadheere, waxa aanu booliiska Kenya aaminsan yahay in uu ku lug lahaa falal hore ay Al-Shabaab uga fulisay deegaannada woqooyiga bari Kenya ee ku dhereran xuduudka Soomaaliya ay la wadaagto dalkaas, sidaa awgeed dawladda Kenya waxa ay ku dhawaaqday in qofka keena war ka caawiya in la gaadho Maxamuud ay siin doonto abaal marin lacageed oo dhan 215 Kun oo doolarka Maraykanka ah. Maxamuud waa Soomaalida Kenya oo magaalooyinka muhiimka ah ee ay dalkaas ku leeyihiin ay ka mid tahay magaaladan Geerisa ee uu weerarku ka dhacay.

Si kastaba ha ahaato ee wararku waxa ay sheegayaan in ninkani aanu ka mid ahayn dadkii sida tooska ah weerarkan fulintiisa uga qayb qaatay, laakiin ardayda ka soo badbaadday weerarkan ayaa sheegaya in dadka soo weeraray jaamacaddu ay ku hadlayeen afka Sawaaxiliga, gaar ahaan lahjadda lagaga hadlo dalka Kenya, taas oo keentay in dad badani ay aaminaan in dadkaasi ay ahaayeen Kenyaan ka tirsan Al-Shabaab.

Sawirrada la baahiyey ee Maxamuud ayaa muujinaya nin madow, weyd ah oo leh gadh khafiifa, waxa aanu booliiska Kenya sheegay in uu macallin ka ahaan jiray Madarasad ku taalla magaalada Geerisa, ka hor intii aanu u gudbin dhinaca Soomaaliya oo uu ku biiray Maxkamadihii, kadibna uga sii wareegay ururka Al-Shabaab. Wariye u shaqeeya wakaaladda wararka ee Faransiiska AFP oo toddoba sano ka hor Maxamuud kula kulmay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya oo xilligaas Al-shabaab ay haysatay ayaa sheegay mar uu tilmaamayey waxa uu ku sheegay, nin caan ah oo ah hoggaamiye aad looga baqo. Waxa aanu sheegay in muuqaal ahaan ay ka muuqato in uu yahay nin waxbartay, oo aad u deggen isla markaana dhibirsan, waxa aanu hoggaamiyey dagaalo badan oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Maxamuud waxa uu ka soo muuqday cajalado badan oo Al-Shabaab ay sii deysay, gaar ahaan dagaallada ay ka wadaan koonfurta fog ee Soomaaliya, mar dambana waxa uu ahaa hoggaamiye ka tirsanaa ciidamadii Raas-Kaambooni  oo uu hoggaamin jiray madaxweynaha hadda ee maamul-goboleedka Jubba Lanad Axmed Madoobe oo isagu  markii dambe xulafo la noqday dalka Kenya.

Ururka Al-shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyey hawlgallo dhiig badani ku daatay ka fuliyey gudaha dalka Kenya, arrintaas oo culays weyn oo siyaasi ah iyo mid amni ku keentay dawladda dalkaas, weerarkan hadda ee jaamacadda Geerisa kadibna waxa uu ururku soo saaray digniin uu dalkaas ugu hanjabayo weerarro dheeraad ah oo dhiig badani ku daato, isaga oo joojinta dagaalkaasna shardi uga dhigay in ay Kenya ciidamadeeda kala soo baxdo gudaha dalka Kenya, tallaabadaas oo inta hadda muuqata aan suurtogal ka ahayn dawladda Kenya.

Dhinaca kalana madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa hadal uu jeediyey cawaysinkii xalay waxa uu ku sheegay in jawaab aad u kulul ay ka bixin doonaan weerarka Jaamacadda Geerisa iyo weerar kasta oo kael oo kaga yimaadda ururka Al-Shabaab. Madaxweyne Kenyatta waxa uu sheegay in aanay weerarradani waxba ka beddeli doonin siyaasaddooda, “Waxa aanu sii wadi doonnaa dhismaha ummad horumar hiigsanaysa oo amni ku nool” ayaa uu yidhi, mar uu ka hadlayey hawlgalka ay ciidamadooda ku joogaan gudaha Kenya, waxa aanu ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq qaran loo samaynayo dadkii ku dhintay weerarka Jaamacadda Geerisa.

Weerarkan Geerisa ayaa lagu tilmaamay in uu yahay kii ugu dhiig daadinta badnaa ee dalka Kenya ka dhacay tan iyo sannadkii 1998kii markii ururka Al-Qaacida uu qarxiyey safaaradihii Maraykanka ee Nairobi iyo Dara-salaam xilligaas oo Nairobi ay ku dhinteen 231 ruux.

Dadka loo xidhay weerarka jaamacadda:

Haayadaha amniga ee dalka Kenya ayaa hore u shaaciyey in ay xabsiga u taxaabeen shan qof, oo sida ay ku waramayso shabakadda wararka ee Middle East baadhitaan lagu wado, sidoo kale waxaa weli socda baadhitaanka goobtii weerarku ka dhacay oo laga raadinayo wax marag noqon kara.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Kenya Mwenda Njuka ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in shan qof xabsiga loogu taxaabay tuhunka weerarkan, laakiin ay booliisku aaminsan yihiin in weerarkan ay fuliyeen afar qof oo hubaysan, dhammaantoodna lagu dilay weerarka.

Mwenda Njuka waxa uu sheegay in saddex ka mid ah dadkan la qabtay iyaga oo xadka Soomaaliya ka gudbaya, halka labada kale oo lagu qabtay gudaha jaamacaddu ay kala yihiin mid ka mid ah waardiyeyaashii amniga ee jaamacadda oo lagu magacaabo Cusmaan Cali, isir ahaanna Soomaali ah, lana aaminsan yahay in uu ragga Al-Shabaab ka caawiyey in ay gudaha jaamacadda galaan iyo kan labaad oo ah wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Tanzania lana qabtay isaga oo is qarinaya. Wiilkan oo magaciisa lagu sheegay Rashiid Charless ayaa uu afhayeenku sheegay in la qabtay isaga oo ku dhuumanaya saqafka dhismaha jaamacadda bambooyinna sita

Ardayad 2 maalmood kabadh dhar ku jirtay:

Booliisku baadhitaankan shalay waxa uu gudaha dhismihii jaamacada Geerisa ka soo helay gabadh ka tirsanayd ardayda jaamacadda oo la helay iyada oo muddadaa labada maalmood ah ee ka dambeeyey weerarkii weli ku dhuumanaysa kabadh dhar oo yaallay mid ka mid ah qolalka la seexdo ee jaamacadda una haysata in weli weerarkii socdo. Ururka laanqayrta Case e dalka Kenya ayaa sheegay in ardayaddan oo 19 jir ahi ay shoog qaadday, laakiin jidh ahaan u fayowday, loona geeyey dhakhaatiir nafsi ah oo hadda xaaladdeeda gacanta ku haya.

Mustaqbalka jaamacadda:

Weli ma cadda mustaqbalka jaamacaddani waxa uu ku dambayn doono, iyada oo uu burbur badani soo gaadhay, ardaydii iyo shaqaalihiina u kala yaaceen deegaannadoodii, 600 oo ardayda ka mid ah ayaa sabtidii shalay basas loogu qaaday magaalada Nairobi, si qoysaskoodii ay ugu tagaan, waxaana lagu dhawaaqay in ay xidhnaan doonto illaa amar dambe.

FBI oo baadhista ka qayb qaadanaysa:

Sida ay wakaaladaha wararka ee caalamiga ahi sheegeen waxaa baadhista arrintan dalka Kenya kala shaqaynaya Haayadda baadhista dembiyada ee dalka Maraykanka FBI oo la sheegay in saraakiil ka tirsan ay baabuurta safaaradda Maraykanka ee Nairobi keentay xarunta jaamacadda si ay baadhitaanka uga qayb qaataan.