Xildhibaan Nacnac Oo Xukuumada Ka Difaacay Eedaha Ay Mucaaradku U Jeediyaan

0
421

Picture3Hargeysa (Geeska)-Xilidhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada, ayaa ka difaacay Xukuumadda eeddo ay u soo jeediyeen xisbiyada mucaaradka iyo madashu, waxaanu tilmaamay in aanay dalka waxba ka dhici doonin marka la gaadho 26-june oo ku eeg muddo xileedka Xukuumadda.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo wareysi gaar ah siiyey wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in haddii doorashado dib u dhacdo inay qasab tahay muddo kordhin ay golaha guurtidu ku dhawaaqan, waxaanu guddoomiyaha golaha wakiilada ugu baaqay in aanu la fadhiisan madasha oo uu ku tilmaamay sharci daro ee uu la fadhiisto labada xisbi ee Ucid iyo Kulmiye, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay  “Waxa aan anigu u haysta in madashu khilaafsan tahay xeerka iyo dastuurka Somaliland, odayaashan madasha wada tashigu ma Siilaanyo ayey mujaahidnimo ugu faanayaan, ma anaga ayey noogu faanayaan, waanu ognahay inay mujaahidiin ahaayeen dalkana u soo halgameen, balse dalka mujaahidnimo lagu dumin mayo, maalintii dhawayd ee uu Xasan Guure lahaa 26-june nala dhaafimayso, wey dhaafaysa ee waxa uu sameeyo aynu aragno”.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) ayaa mar uu ka hadlaayey guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa yidhi  “Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu may ahayn inuu la fadhiisto niman bilaa sharciya,xisbigiisu waa xisbi soo baxay oo jira oo muxtarim ah, inuu la fadhiisto urur aan jir oo qasbaaya may ahayn, waxaan leeyahay haddii aad tahay guddoomiyaha golaha wakiilada iyo guddoomiyaha xisbiga waddani waxa aad la fadhiisan kartaa xisbiga UCID, waxa aad la fadhiisan kartaa oo kale xisbiga Kulmiye, maxa yeelay inagii ayaa sharci dejin ah, cid bilaa sharciya oo dastuurka khilaafsan in lala fadhiisto maaha ”.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) ayaa mar uu ka hadlaayey golaha guurtida iyo awooda ay u leedahay muddo kordhin yidhi “Haddii ay doorashadu dib u dhacdo, dalkani dawlad la’aan maayo, Golaha Guurtida ayaana awood u leh muddo kordhinta, waana qasab inay muddo kordhin timaado haddii doorashado dib u dhacdo”.