Xoghayaha Cusub Ee Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Xilkii Si Rasmi Ah Ula Wareegay

0
566

Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha guud ee cusub ee dawladda hoose ee Hargeysa Axmed Maxamed Cabdillaahi (Darajo) ayaa si rasmi ah ula wareegay xilkii xoghayaha dawladda hoose oo uu kala wareegay xoghayihii hore Ibraahim Axmed Raabi.

geeska

Munaasibad loo qabtay xil wareejintan oo lagu qabtay Maansoor hotel, ayaa wax aka qayb galay maayarka Hargeysa iyo ku xigeenkiisa, agaasimaha guud ee wasaaradda daakhiliga, salaadiin, xubnaha golaha deegaanka Hargeysa iyo masuuliyiin kale.

Waxaana Ugu Horeynba Munaasibadaasi ka hadlay Agaasimaha Waaxda Shaqalaaha Bilicda Dawlada Hoose Khadar kuna hadlayay Afka Shaqaalaha Dawlada Hoose Hargeysa  oo  Sheegay in dawladda hoose guulo gaadhay mudadii uu joogay xoghayihii hore ee dawladda hoose.  “Anigoo ay Shaqaalaha Dawlada Hoose Ii igamadeen kana Mid ahaa gudidii Qaban Qaabada Xafalada, Waxaa Maanta halkan Xilalka Loogu kala wareejinayaa Munaasibadan aan Joogno Xogahayihii Hore Ibraahim Axmed raabi Iyo Xoghayaha Cusub Axmed Maxamed Cabdilaahi, Xoghayihii Hore  Waxa Uu xilka hayay Mudo aan sanad dhamayn oo 9 Bilood ah, Runtiina Xoghayahaasi waxa uu noqday Xoghaye ku Suntan waxqabad, Hawlkarnimo Isla markaaan Mudadaa uu Joogay waxa uu Muujiyay Dadaal Dheeradaa oo ay ku dheehan tahay Wadininimo dhab ah, Waxanan  leenahay Alla Meel khayr qabta Hakuugu Badalo waanan kuugu hambalyaynayanaa waxqabadkii aad Mujisay, Xoghayaha Cusubna Waxaan leenahay Mudane Axmed Soo Dhawaaw Waxaana shaqalaaha Dawlada Hoosena ay kuu balan Qaadaysaa Sidii aan Xoghayihii kaa Horeyeyba Ula Shaqayn Jirnay Inaan Kuula Shaqaynayo aadna Noqoto baalasha Aad Ku duusho”

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Mudane Cabdifataax Siciid oo halkaas ka hadlay ayaa xoghayihii Hore Mudane Ibraahin uu Ugu hambalyeyey Sida Fiican ee Ay usoo wada Shaqeeyeen iyo Waliba Waxqabadka Muuqda Ee Uu Soo qabtay sidoo kale Waxa uu Xoghaya Cusub ku ADkeeyey Inuu laban Laabo Dadaalkiisa Aanuna Ku dhex milmin XIldhibaanada iyo Shaqaalaha Dawlada Hooseba Maadama Uu Matalayo kana Socdo Dawlada Dhexe.

Geesta Kalena waxa isna Goobtaasi ka hadlay Maayirka Caasimada hargeysa Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo isna halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay xoghayaha cusub, isagoo sagootiyay xoghayihiii hore.

Xoghayaha cusub oo isna halkaas ereyo kooban ka jeediyay ayaa u mahadceliyay dawladda dhexe, waxaanu sheegay inuu si hufan u gudan doono xilkiisa. Salaadiin iyo dadweyne kale ayaa iyaguna madasha xil wareejinta hadalo ka jeediyay.

Gabagabadiina waxa si rasmi ah Xilalka Loogu kala Wareejiyay Xoghayihii Hore Ee Dawlada Hoose Degmada hargeysa Ibraahin Axmed raabi Iyo Xoghayaha Cusub Ee Lasoo magacaabay Axmed Maxamed Cabdilaahi (Darajo) Sidoo kalena Waxay Shaqaale Waynaha Dawlada Hoose Shahaado Sharaf Ku maamuuseen Xoghayihii Hore Ibraahin Axmed Raabi.