Xoggo Sheegaya In Madaxweyne Siilaanyo Laba Wasaaradood Oo Muhiim Ah U Kala Qaadayo 4 Wasaaradood

0
474

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la sheegay inuu ka baaraan degayo qorshe laba wasaaradood lagaga dhigayo afar wasaaradood, kuwaas oo mid walba laga dhex samaynayo wasaarad kale.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ahi, haddana warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in Madaxweyne Siilaanyo uu dhawaan kala jebiyo wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare iyo wasaaradda arrimaha gudaha.

Sida ay sheegayaan wararkan xogogaalka ah ee uu helay Geeska Afrika wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa laga yaabaa in madaxweynuhu u kala qaybiyo laba wasaaradood oo kala ah wasaaradda waxbarashada iyo wasaaradda tacliinta sare oo mid kastaa yeelan doonto wasaaraddeeda u gaarka ah.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha gudaha ayaa la sheegayaa in laga yaabo in madaxweynuhu u kala qaybiyo wasaaradda amniga qaranka iyo wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka dawladaha hoose.

Lama garan karo in madaxweynuhu wasaaradaha la kala qaybinayo u dayn doono wasiirada hadda jooga iyo inuu u magacaabi doono masuuliyiin cusub.

Laakiin labadan wasaaradood ee wasaaradda waxbarashata iyo tacliinta sare iyo wasaaradda arrimaha gudaha, waxa hadda wasiiro ka ah laba wasiir oo miisaan leh. Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare waxa wasiir ka ah Md. Cabdillaahi Ibraahim Habane oo ah siyaasi aftahan ah oo intii Somaliland xorriyadeeda la soo noqotay la soo shaqeeyay golaha guurtida, isagoo qayb muhiim ah ka qaatay nabadayntii, waxaanu ka soo jeedaa gobalka Awdal.

Wasaaradda arrimaha gudahana, waxa wasiir ka ah Md. Yaasiin Maxamuud Faratoon oo isna ka soo jeeda gobalka Sool, waxaanu noqonayaa masuulkii u horeeyay ee ka soo jeeda gobalka Sool ee wasaaradan miisaanka leh qabta.

Afhayeenka madaxtooyada oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu jiritaanka xogaan wax ka weydiiyo ayaanay noo suurtogelin, ka dib markii uu telefoonkiisa nooga jawaabi waayay.

Hore ayaa uu madaxweyne Siilaanyo intii uu xilka hayey marar kala duwan u kala dhambalay wasaarado ka mid xukuumaddiisa oo marka hore ku bilaabatay 26 wasaaradood oo keliya. Waxa aanay arrintani haddii ay dhacado sii kordhinaysa golaha wasiirrada xukuumadda madaxwey Siilaanyo oo in kasta oo uu xukuumaddii ka horreysay ku dhaliili jiray tiro badnaanta wasaaradaha isagu u biyo shubtay in uu dhiso wasaaradihii abid ugu tiradnaa ee soo mara Somaliland.