Xogahaye-xigeenka Waddani Oo Soo Jeediyay Inaanay Doorashadu Dib U Dhicin

0
564

Hargeysa (Geeska)-Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani,Jamaal Jaamac Xaamud ayaa ku baaqay in la ilaaliyo go'aankii Maxkamada ee ku saabsan wakhtiga Doorashada, waxaanu ku baaqay in Doorashada wakhtigeeda lagu qabto, isla markaana la iska kaashado si looga badbaado inay Doorashadu dib u dhacdo iyo in muddo kordhin dambe.

ffffffffffffffff

Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani,Jamaal Jaamac Xaamud  oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxa uu Xukuumadda iyo Komishanka ugu baaqay in guud ahaan Gobolada dalka oo dhan diiwaangelinta laga bilaabo, cidna aan laga tagin, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya "Waxa aan soo jeedinayaa in la ilaaliyo go'aanka Maxkamada, Doorashadana wakhtigeedii lagu qabto, si aanay Doorashadu dib ugu dhicin iyo si looga badbaado muddo kordhin dambe iyo muran siyaasadeed oo dib u bilaabma, waxaana leeyahay komishanka fadlan ku dadaala in aad Doorashada wakhtigeeda ku qabataan".

Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani,Jamaal Jaamac Xaamud oo ka hadlaayey Diiwaangelinta ayaa yidhi "In guud ahaan Shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan Gobolada dalka oo dhan in la diiwaangeliyo ayaa haboon, in kaadhka cod bixinta wada qaataan ayaa haboon, cadaaladu kuma jirto in Gobolana la diiwaangeliyo, Gobolna la tago, waxa aan anigu dhawaan ka imid Gobolka Sanaag, gaar ahaan Bariga Gobolka Sanaag, dadkaasi diyaar ayey u yihiin inay kaadhka diiwaangelinta codbixinta qaataan, waxa kale oo jira warar soo baxaya oo sheegaya in Buuhoodle aanay diwaangelini ka dhacaynin, Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xagloosiye oo xitaa isku soo sharaxay xilka Madaxweyne  ku xigeen ee Xisbiga Kulmiye ayaana ka soo jeeda Buuhoodle, in la yidhaahdo lama diiwaangelinayo bulshada ku dhaqan Buuhoodle anigu khalad ayaan u arkaa, markaas waxa aan leeyahay Gobolada ha loo sinaado".

Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani isaga oo ka hadlaya taageerada Waddani ayaa yidhi "Xisbiga Waddani waa Xisbi taageero badan ku leh Gobolada Somaliland, waa Xisbi Bulsho weynta reer Somaliland oo dhami ku dhan tahay, waana la wada arkaayey taageeradii uu dhawaan ku soo bandhigay Gobolka Awdal, Siyaasi Cabdi Haybe iyo Xldhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ah Siyaasiyiin magac iyo maamuus ku leh Somaliland waa kuwii ku soo biiray, Doorashadana kalsooni badan ayaanu qabnaa"