Xog-haye Xigeenka Waddani Oo ka Hadlay Khilaafka KULMIYE

0
686

7Hargeysa (Geeska)-Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Jamaal Jaamac Xaamud ayaa Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay feejignadaan oo ay ilaashadan Nabadgeliyada, oo cid alaale cidii amaan daro wada iska qabtaan, kana fogadaan wax walba oo amaan daro keeni kara dalkana khal-khal ka abuuri kara.  Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamudoo Geeska Afrika u waramaya ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), uu dulqaad sameeyey Sannadkii 2003-kii, isaga oo tilmaamay in cod yar lagaga helay wakhtigaas, waxaanu sheegay in Nabada iyo jiritaanka Somaliland oo uga tanasuulay, waxaanu soo jeediyey in si nabada ah oo aanay dhibi ku jirin lagu dhameeyo khilaafka ka dhex aloosan Xisbiga Kulmiye, waxaanu yidhi “Bulshada reer Somaliland, waa Bulsho aad u wanaagsan, waa Bulsho mar walba feejigan oo wax walba oo khatar ku ah dalkooda iyo dadkooda ka hor taga, markaas waxa aan ugu baaqaya oo aan ku sii dhiirigelinay in cid walba oo amaan daro ama nabadgeliyo daro dalka ka wada in dhinaca looga soo wada jeesto, oo la qabto, maxa yeelay Maanta inaga oo ah dal curdin ah oo ka soo kabtay dhibaatooyin, cadaadis iyo dagaalo ay inagu haysay Dawladdii Siyaasad Bare, ma wacna in aynu dib u noqono oo dhibaatooyinkaasi dib inoogu dhacaan, runtiina waxa Shacabka ugu baaqay inay gacan bir ah ku qabtaan cidii amaan daro wada”.Xoghaye Ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud oo ka hadlay khilaafka Xisbiga Kulmiye waxa uu yidhi “Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), hore ayuu dulqaad  u sameeyey, waxaanu dulqaatay Sannadkii 2003-dii, markii lagaga helay 80-cod, waxaana wakhtigaas Axmed Siillaanyo, dhacay in Rag ku yidhaahdeen waa lagu dhacay ee aynu ka dagaalano, balse nasiib wanaag dulqaad iyo odeynimo ayuu sameeyey, waxaanu ka talinayey masiirka Umadda, markaas waxa aan soo jeedin lahaa in khilaafkan ka dhex aloosan Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda in aanu sii socon oo la soo afjaro, waxaana dhab ah in Muuse Biixi xaq u leeyahay inuu isku soo sharaxo Musharaxnimada Madaxweyne, Madaxweynuhuna sidaas oo kale xaq ayuu u leeyahay, laakiin waxa haboon in si nabadgeliyo ah oo bilaa turxaan ah u tartamaan ama isu tanaasuulan