Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa ka hadlay aragtiisa ku saabsan Shirkii isbahaysiga Mucaaradka, go’aankii Maxkamada, iyo muddo kordhintii Golaha Guurtidu muddada ugu kordhisay Xukuumadda, waxaanu sheegay in aanay Mucaaradku xaq u lahayn inay Shir Qaran qabtaan, balse ay Shirar caadiya qabsan karaan, waxaanu ugu baaqay inay tixgaliyaan go’aankii Maxkamada ay ka soo saartay khilaafkii ka taagna Shirka Qaran, iyo sidoo kale inay dhawraan muddo kordhintii ay Guurtida ee Xukuumadda Kulmiye.
Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa isaga oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa ku taliyey in la ilaaliyo nabada, cid walba oo wax tabaanysaana ay Sharciga soo marto, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi uu ku bilaabay “Xisbiga Kulmiye uu ka hadlay mawqifka uu ka taagan yahay Shirka Qaran ee ka soo yeedhay Mucaaradka, cida xaq u leh Shirka Qarana ee Dastuurku siiyeyna waa la garanayaa, laakiin Xisbiyada waxa ay qabsan karaan Shirarkooda caadiga, ah sida ku xusan go’aankii ka soo baxay Maxkamada sare ee Somaliland, waxaana leeyahay ha ilaaliyo, hana lla tixgeliyo go’aankii Maxkamada iyo sidoo kale go’aankii Guurtida, Xisbiyada Mucaaradku ha tixgeliyaan go’aankii Maxkamada iyo go’aanka Guurtida, ”.
Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbul Xaakimka Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa mar uu ka hadlaayey xaalada dalka ayaa yidhi “Dadku ma qaadi karaan dhib iyo qas, waana in Umadda laga daaya jahaweerarka, cid alaale cidii wax tabanaysaana waa inay sharciga soo martaa”