Xisbiyada Mucaaradka Oo Ka Digay Ku Xad Gudubka Xoriyatul-qawlka

0
993

Hargeysa (Geeska)-Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo Waddani, ayaa ka digay ku xad gudubka Xukuumadda ee madax banaanida Saxaafadda iyo xoritul qawalka, waxayna si gaar ah fariin ugu direen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ay ugu baaqeen inuu wax ka cabudhinta Saxaafadda.

.Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud iyo Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID yuusuf kayse Cabdilaahi, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud uu hadalkiisi ku bilaabay “Madaxweynaha iyo Xukuumadiisaba waxaanu leenahay ilaaliya Saxaafadda madax banaan, Saxaafadda oo doonaysa inay dalkeeda u shaqeeyso, oo runt aka sheegto,waxaana Saxaafadda lafteeda kula talinayaa inay dhinaca wanaagsan mar walba wax ka eegto, Saxaafadda waa Seef laba af leh, haddii dhinaca wanaagsan loo qaado dadkeeda meel bay gaadhsiisa, waana loo baahan yahay, inay mar walba dhinac wanaagsan wax ka eegto, laakiin haddii ay dhinaca xun wax u qaado, wey burburisaa, markaas waxaanu leenahay Madaxweynaha, Madaxweyne dhawr jeer baad tidhi Saxaafaddu ha madax banaanato, xoriyatul qawlka ha la helo, haddii se la yidhaahdo Saxaafadda kolba waa la xidhay oo waa lagu xad gudbay meel gaadhi mayno, ta kale cadaalada waa in la ilaaliyo, oo cid kastoo sharci daro ku xidhan waa in xoriyadooda loo soo celiyaa”

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID yuusuf kayse Cabdilaahi oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi “In Saxaafadda la cabudhiyaa waa wax ku xun nidaamka dimuqraadiga ah, Dastuurka ayaana siiyey inay muwaadiniintu ay fikirkooda cabiraan, waliba qodobka 32aad ee Dastuurka ayaa siiyey, qofkuna wuxuu ku soo bandhigi karaa rayiga uu qabo suugaan, qoraal iyo hadba wuxuu doono, markaas waxaanu leenahay Xukuumadda wixii dadka wixii sharci daro u xidhan ooda ha laga qaado, waxaanada moodaysay in muddooyinkii ugu dambeeyey masuul kasta oo wax laga sheego, inuu cidda wax ka sheegta ama wax ka qorta uu xidhanayo, waana wax ku cusub Somaliland, aad iyo aadna waanu uga xunahay, taasina waxay sii kordhinaysaa oo ay kor u qaadaysa inuu Shacabku kaco, markaas waxaanu leenahay Madaxweynaha dadka wixii sifo sharci daro ah ku xidhan faraha laga qaado, wixii eeddo loo hayana Maxkamaddaha ha la hor keeno, oo yaan Jeelasha la iskaga haysanin, Saxaafaddana cadaadiska iyo cabudhinta ha laga daayo, oo madax banaanideeda yaan lagu xad gudbin, Xisbi ahaana waanu ka soo hor jeedna cabudhinta lagu hayo Saxaafadda, sidoo kale Abwaanada fikirkooda iyo dareenkooda cabiray, maaha in iyana afka laga xidho,xoriyadana laga qaado ee iyana ha la soo daayo, oo xoriyadooda dib ha loogu soo celiyo”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here