Xisbiyada KULMIYE Iyo UCID Oo Go’aamiyay In Komishanka Doorashooyinku Uu Dhamaysto Mudo Xileedkiisa

0
862

Hargeysa(Geeska)-Xisbiyada UCID iyo KULMIYE ayaa isla gaadhay is af garad ka kooban lix qodob kaas oo ay ugu diyaar garoobayaan arimaha doorashooyinka ee dalka.

Labadan xisbi ayaa go’aamiyay in komishanka hada uu dhamaysto wakhtigiisa isla markaasna uu bilaabo hawlaha diiwaangalinta muwaadniinta, in koshanka cusub uu ahaado 7 xubnood oo kaliyaata lana soo magacaabo bisha sideedaad ee sanadkan iyada oo ay ka barbar shaqayn doonaan xubnaha komishanka ee hada inta xilkoodu ka dhamaanayo, waxaanay qaadhan bixiyayaasha ugu baaqeen inay soo daayaan qaadhaanka dhankooda ee la xidhiidha arimaha doorashooyinka.       qoraal labadan xisbi ay wada jir u soo saareen oo aanay qayb ka ahayn xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa waxa uu u dhignaa isaga oo dhamays tiran sidan

“Xisbiyada UCID iyo KULMIYE iyaga oo tixraacaya go’aanka golaha guurtida JSL oo ku taariikhaysan 21/1/2019, isla markaasna iyaga oo tixgalinaaya muhiimada ay qaran ahaan u leedahay qabsoomida doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo golaha wakiilada  waxay xisbiyada qaranka Somaliland ee UCID iyo KULMIYE  isku afgarteen qodobada hoos ku qoran.

1-Labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE in doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada ee qorshaysan 13/12/2019 ay ku qabsoonto wakhtiga  loogu talo galay.

2-In komishanka doorashooyinka qaranka ee hada jiraa uu bilaabo hawlii diiwaangalinta iyo u diyaar garowga doorshooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada.

3-Sida oo kale waxa ay xisbiyada qaranka ee UCID iyo KULMIYE ay isla qaateen in 01 bisha 8 2019 la soo xulo komishanka cusub oo tiradoodu tahay 7 xubnood .komishanka doorashooyinka ee hada shaqaynayaana ay u igman yihiin sii wadida hawlaha qaban qaabada ilaa dhamaadka mudo xileedkooda sida ku cad  xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka ee xeer Lr.20/2001 farqadiisa 1-aad xarafka C iyada oo komishanka cusubina uu ula shaqayn doono habtababar ah iyo inay u diyaar garoobaan la wareegida xilka.

4-In komishanka doorashooyinka cusub lagu daro laba xunood lagna dhigo 9 xubnood doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada kadib loona gudbiyo golaha wakiilada ee danbe.

5-Labda xisbi qaran ee UCID IYO KULMIYE waxay isla qaateen in meel looga soo wada jeesto qabsoomida doorashooyinka goloyaasha deegaanka iyo wakiilada wada shaqayn buuxdana la yeeshaan komishanka doorashiiyinka qaranka.

6-Sida oo kale xisbiyada UCID Iyo KULMIYE waxay isla afgarteen in la smaeeyo gudi madaxbanaan oo si habsami leh ula socota geedi socodka diiwaangalinta iyo qabsoomida doorashada si loo hubiyo loona ogaado in doorashadu ku qabsoonto si xor iyo xalaal ah, gudidan oo ka koobnaan doonta xubnaha kala matalaya wadamada qaadhan bixiyayaasha iyo asxaabta qaranka,

Ugu danbaytii xisbiyada KULMIYE IYO UCID waxay u soo jeedinayaan wadamada qaadhaan bixiyayaasha doorashooyinka Somaliland inay soo bixyaan qaadhaanka kaga aadan qabsoomida doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Wakiilada.

Ugu danbaytii xisbiyada KULMIYE iyo UCID waxay golaha wakiilada JSL u soo jeediyeen inay dhankooda fududeeyaan dhamaanba hawlaha iyo xeerarka doorashooyinka  ku xidhan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here