Xisbiga Waddani Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Sii Daynta Guuleed Axmed Jaamac

0
614

Picture3Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay in xorriyadiisa loo soo celiyo Guuleed Axmed Jaamac oo muddo laba toddobaad ku dhow ku xidhan xabsiga weyn ee Hargeysa.

Xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani Md. Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa warsaxaafadeed uu xalay soo saaray wuxuu ku sheegay inaanu jirin dambi uu Guuleed galay, waxaanu warsaxaafadeedku u dhignaa sidan “Bishan Abriil, 18dii, 2015ka, mar ay saacaddu ku beegnayd 9.00kii subaxnimo ayaa Guuleed Axmed Jaamac oo ah Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland xabsiga ay u taxaabtay Xukuumadda Somaliland isaga oo ku jira shaqo-maalmeedkiisii caadiga ahayd. Xadhiggan xaq-darrada ah ee aan garowshiiyaha lahayn waxa lagu sababeeyay ama loo sibir-saaray wareysi uu Guuleed Axmed Jaamac siiyay BBC oo uu kaga dareen-celinayay qisaastii ay markii ugu horreysay fulisay Xukuumaddeenna ammaan-jecel. Wareysigaas uu BBC-da siiyay oo la wada maqlayay Guuleed Axmed Jaamac Xukuumadda Somaliland kuma uu cambaareyn qisaastaa ay fulisay. Bal, waxaabu sheegay in ay dadweynuhu tallaabadaa aad ugu taageereen. Guuleed wuxu wareysigaas lagu xidhay ku sheegay oo uu ku naqdiyay habka iyo hannaanka Garsoorka Somaliland.

Guuleed wareysigiisaas wuxu ku duray: habka dembi-baadhista, hannaanka Xeer-ilaalintu dacwadaha u oogto iyo hab-raaca Maxkamaduhu dacwadaha u qaadaan. Guuleed Axmed Jaamac wareysigaa lagu xidhay ee uu BBC-da siiyay wuxu isku weydiiyay in dembi-baadhista, Xeer-ilaalinta iyo Maxkamaduhu u darban yihiin ama u carbisan yihiin heer ay kaga go'aan-qaataan in qof muwaaddin ah dil lagu xukumo ka dibna lagu toogto. Qisaasta ma uu cambaareyn Guuleed Axmed Jaamac bal se wuxu su'aal iska weydiiyay in habkeenna Garsoorku u carbisan go'aan-qaadashadaa qof qudha lagag goynayo. Ma wax la isku xidhaa baa? Ma wax xorriyadda la iskaga qaadaa? Xorriyaddu guud ahaanba miyaanay ahayn deeq Ilaahay bixiyo oo aadamihiisa ku mannaysto? Xorriyaddu miyaanay ahayn tii qoriga nalagaga duudsiyay ee inta aanu cirka uga xero-dhignay dhoonbirka lagu soo rogay? Ma cid baa naga qaadi karta aan Ilaahii noogu deeqay ahayn Waxaanu si mug, dhumuc iyo qotonba leh u canbaareynaynaa xadhigga gar-darrada ah ee uu ku xidhan yahay Guuleed Axmed Jaamac. Waxaanu ugu baaqaynaa Xukuumadda gabbalkeedu dhacay ee godka dul taalla in ay xorriyaddiisii shuruud la'aan ugu soo celiso.”