Xisbiga Waddani Oo Wefti Culus Ugu Baxay Abaaraha Bariga Dalka

0
588

Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay gobalada bariga Somaliland u socdaalay wefti uu hoggaaminayo murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

1

Weftiga oo ay ka mid yihiin hoggaamiyaha xisbigaas Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo siyaasiga Cabdi Haybe Maxamed, ayay ujeedada safarkoodu tahay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen gurmadka abaaraha adag ka jira gobalada bariga Somaliland.

Weftiga ayaa la filayaa inay deeq isugu jirta biyo iyo raashin gaadhsiinayaan dadweynaha reer Somaliland ee gobalada bari ee ay abaaruhu ku habsadeen.