Xisbiga Waddani Oo Sheegay Inaan La Aqbali Doonin In Maalin Lagu Daro Wakhtiga Doorashada Loo Qoondeeyay

0
510

Picture5Burco(Geeska)-Guddoomiyaha gudida arimaha dibada xisbiga mucaaradka ah ee Wadani Dr. Maxamed Cismaan Fadal, ayaa si adag u sheegay in aanay xisbi ahaan aqbalayn in doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa maalin kaliyaata lagu daro.

Waxa uu Dr.Fadal uu ku cel celiyay inay ka xisbi mucaarad ahaan doonayaan in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto, isla markaasna ay cadaaladu iman doonto, waxaanu sidan ka sheegay xaflad loo qabtay taageerayaal ka soo jeeda bariga Burco oo ka soo digo rogtay xisbiga KULMIYE, kuna biiray xisbiga Waddani  ,waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxaan ku faraxsanahay oo aan aad usoo dhawaynayaa taageerayaashan balaadhan ee iskugu jira ,Cuqaasha ,Odayaasha ,Haweenka iyo Dhalinyaradda beesha Bariga Burco ee maanta [khamiis] Xisbiga Wadani ku soo biiray ,iyadoo aydun hore-ba Xisbiga ugu jirteen,markaa anigu waxaan leeyahay Cadaalad ayaad soo doonateen horaana loo yidhi " Dad Cadaalad Waayay Sida Cawsha Kala Yaac" waxaanan idin leeyahay hoygii Cadaaladda waad timaadeen ,Biyana gacmahaaga ayaa lagaga dhergaa . Waxaaneynu u diyaar-garoobaynaa xiligii doorashada waxaana ka hadhay Sanad ,waxaaney ila tahay cadaaladii iyo wixii aad doonayseen anaga iyo idinkuba horta intaas ayaa inagaga hadhay waanad heli-doontaan idinkaana dhisi-doona cadaalada la doonayo.
Waxaanu leenahay doorashadu way soo dhawdahay xisbiguna xoog ayuu uga shaqaynayaa maalin lagu darimaayo wakhtiga maanta jira ,xiligii loo qorsheeyaanay ku qabsoomaysaa ,waxaananu balan idiinku qaadaynaa in aad cadaaladiina heshaan”Sidaasi Maxamed Cismaan Fadal hadalkiisa kaga baxayay.

Geesta kale waxa iyana halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga Wadani Axmed Muumin Seed  iyo masuuliyiin kale oo soo dhaweeyay taageerayaashas cusub.