Xisbiga Waddani Oo Qaabilay Fanaanada Sahra Halgan Iyo Siyaasiga Aaden Ruush Oo Ku Biiray

0
552

Picture1Hargeysa():-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa munaasibad soo dhawayn ah u sameeyey Fanaanada Caanka ah ee Sahra Axmed Maxamuud(Sahra Halgan) iyo Siyaasiga wayn ee Aadan Ruush oo si rasmi ah ugu soo biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI. Waxaa sida oo kale munaasibadan lagu soo dhaweeyey Ugaaska Dhaliyarada Somaliland Ugaas Nagiib Faysal Nuur iyo taageerayaal aad u tiro badan oo iyaguna ka soo diga rogtay Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE una soo diga rogtay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Munaasibadan oo ka dhacday Hotel Crown ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ahna sida oo kale guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland,Marwada guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland   Marwo:Farduus Maxamed Rooble,Madaxda Hogaanka Sar-sare ee Xisbiga WADDANI,Fanaanada Sahra Axmed Maxamuud(Sahra Halgan),Siyaasi Aadan Ruush,taageerayaaal,iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Fanaanada caanka ah ee Mujaahidad Sahra Axmed Maxamuud(Sahra Halgan) oo halkaasi ka hadashay ayaa waxaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in ay si rasmi ah ay ugu soo biirto Xisbiga WADDANI.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay in aanan kaligay ahayn ee ay Gacan Libaax,Juun,Kood buur iyo Xaafadayadii Juun-ba ay joogaan,Waa xaafadii aan ku dhashay,waa xaafadii aan ku koray,waa xaafadii halganka Muhiimka ahi ka bilaabmay markaa waxaan u malaynayaa in aanan kali ku ahayn Xisbiga WADDANI,waxaa si aada laysu waydiinayaa Sahri Fanaanad ayaa ay ahayd oo dadka waa ay u dhaxaysee maxaa ay Xisbiga WADDANI ay u dooratay,waxa weeyaan wadankan waa loo soo halgamay,Siilaanyana wadanka dadkii u soo halgamay ayaa uu ahaa,waxaan leeyahay waxaa loo soo halgamay Xaq,waxaa loo soo halgamay Cadaalad,waxaa loo soo halgamay in gardaradii la tirsanaayey aan dib loogu noqon marka waxa weeyaan waxii oo dhamiba ka kac ayaa ay noqdeen taas ayaan ikaliftay oo Xisbiga WADDANI oo ah Xisbiga ugu dhaw,mabda'ahaan iyo Shuruuc ahaanba in aan ku biiro,maanta laga bilaabana waxaan ku jiraa Xisbiga WADDANI,waxaan u halgamayaa Cadaalada,waxaad ogaataan in Calankaa "Laa Illaaha Illa Laahu Maxamadu Rasuulu Laahi"tahay waa Saddex nooc dadku Saddedaba may wada joogin dadbaa casaanka joogay,dadbaa Cadaankii nagu soo biiray,dadbaa Akhtarkii inagu soo biiray,Calanku marxalado badan ayaa uu leeyahay markaa Calankan yaan la dhayalsan waayo dad badan ayaa aynu ku waynay,dadbadan baa u dhintay,waxaana ay u dhinteen in Cadaalad ka bari jooga iyo ka Galbeed joogaba lagu wada dhaqo maaha in reer reer hebel uu qabsado,markaa anigu qabyaalada wan ka soo horjeeda Xisbiga WADDANIna waxaan ugu maan soo biirin Qabyaalad waxaan se ugu soo biiray Mabaadiidiisa"Sahra Halgan

Siyaasi Aadan Ruush oo isna halkaasi ka hadlay ayaa  dhankiisa isna waxaa uu halkaasi kaga dhawaaqay in ay si toos ah ugu soo biireen Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI."Xisbiga WADDANI kolka horena qalbiga ayaanu ka taageeraynay maantana si rasmi ah ayaanu ugu soo biirnay,dadweynaha iyo dhalinyarada sharafta leh ee Xaafadaha kala duwan ka yimi ee iyaguna ku soo biiray Xisbiga iyaguna aad baan u soo dhawaynayaa oo aan leeyahay aadbaad u mahadsantihiin"Ayuu Aadan Ruush

Ugu danbayntiina waxaa madashaai soo afmeeray Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro),waxaana uu ugu horayn uu si aada u soo dhaweeyey gabi ahaanba Fanaanada caanka ah ee Mujaahida Sahra Halgan,Siyaasiga Ruug Cadaaga ah ee Aadan Ruush,iyo dhamaanba taageerayaasha kale ee iyaguna ka soo diga rogtay Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE

"Waxaan jecelahay in aan si qalbi furan ah aan u soo dhaweeyo halgamayaashii,Dhalinyarada iyo Haweenka maanta ku soo biiray ee go'aansaday in ay in ay ka mid noqdaan Xisbiga WADDANI oo ay nala garab istaagaan halganka aanu jirno in aynu dalkan badbaadino,waxaanan si aada u soo dhawaynayaa marwo Sahra Axmed Cabdilaahi (Sahra Halgan) aniga waliba taariikh gaara ayaa ay iileedahay oo caruurtayda dhamaantood waxaa ay ku afbarteen Canjaladihii ay ka heesaysay Kaam Abokor iyo Dulcad ayaa ay caruurtaydu ku afbaratay,arageeduna waaba uu igu yaraa,Xisbigu dhalinyaro ayaa uu u badnaa,Odayaasha Xisbiga hogaanka u ahina SNM-tu waa ay ku yarayd,laakiin maanta waxaan ku farax sanahay in Sahra iyo Aadan Maxamed Diiriye (Aadan Ruush) oo isna hal gamaa kale ahaa ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI waxaanan filayaa halgamayaashii Albaabka ayaa u furmoo WADDANI waa ay ka soo buuxsami insha Allaah"Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)