Xisbiga Waddani Oo Magacaabay Guddiga U Metelaya Wada Hadalada Isbahaysiga

0
531

Hargeysa(Geeska)-Hoggaamiyaha xisbiga Waddani sidoo kalena ah guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magacaabay shan xubnood oo ah guddiga wada hadalada siyaasiyiinta isbahaysiga KULMIYE u meteli doonta xisbiga Waddani.

1

Qoraal uu Cirro soo saaray wuxuu ku sheegay in xubnahani noqon doonaan guddiga wada hadalada ee xisbiga Waddani, waxaanu qoraalkaas ku yidhi sidan “Iyada oo la raacayo go’aanka Hoggaanka Xisbiga ee ahaa in wada-hadal rasmi ah lala furo ISBAHAYSIGA Xisbiga KULMIYE

Iyada oo Xisbiga WADDANI iyo ISBAHAYSIGU ku heshiiyeen in la abuuro guddi wada-hadal oo min shan (5) xubnood ah.

Waxa Xisbiga WADDANI ku war-gelinayaa in xubnaha warqadani tooska ugu socoto loo magacaabay in ay noqdaan Gudidda Wada-hadalka u matalaya Xisbiga WADDANI.

Waxaan eebe ka baryaynaa  in uu xilkaa idiin fududeeyo”

Magacyada guddiga Waddani ayaa waxay kala yihiin:

1. Maxamed Cabdillaahi Uurcade

2. Jamaal Jaamac Xaamud

3. Cabdi Haybe Maxamed

4. Cabdirashiid Xasan Mataan

5. Maxamed Nuur Caraale (Duur)

Siyaasiyiinta isbahaysiga KULMIYE ayaa hore u magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo uga qayb geli doona wda hadalka u bilaabmaya xisbiga Waddani.