Xisbiga Waddani Oo La Fool Habaabay Cugashada Musharraxiintiisa Jagooyinka Qore; Abdillahi Adam Omar[WAYAB] Madaxweynaha Iyo Ku-Xigeenkiisa

0
630

Tan iyo markii uu ka soo baxay xarunta Madaxtooyada go’aankii kama dembeysta ahaa ee lagu kala soocayey labada doorashooyin ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee  sida ku caddayd Dikreetadii Madaxweynaha lagu kala qaaday labada doorashooyin ee isku lifaaqnaa,  lana go’aamiyey in la qabto ta Madaxtooyada waqtigeedii hore loogu dhawaaqay  oo ahaa bisha March,2017ka oo hadda muddada ka hadhay  tartanka doorashadaasi tahay kaliya wax aan ka badnayn afar bilood, marka laga reebo bisha lagu gudo jiro ololaheeda.

Haddaba Guddoomiyaha Xisbiga  Waddani, isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa si ay ka ahaydba ka soo bixi waayey hawshii uu u igmaday, kana sugayey muddada dheer shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ahayd, in Golaha uu Guddoomiyaha ka yahay ee Wakiilladu soo saaraan xeerkii saami qeybsiga ee lagu geli lahaa doorashada dembe ee xubnaha Golahaasi. Xil gudasho la’aantaa Guddoomiye Cirro ee ku koobnayd kaliya laba iyo sideetanka[ 82] Xildhibaan inuu si uun ugu qanciyo, in  wax ka beddel  lagu sameeyo saami qeybsigii xubnaha Golaha Wakiillada ee lagu galay doorashadii ugu horreysay uguna dembeysay ilaa hadda iyo in saami qeybsi  cusub uu si uun uga soo dhiraandhiriyo Golaha uu Guddoomiyaha ka yahay ayuu  kari waayey inuu meel-mariyo. Waxa kale oo uu ku sii darsaday, in Madaxtooyada uu dib ugu celiyey hawshii uu u xilsaarnaa ee saami qeybsi goor ay xeedho iyo fandhaalba kala dhaceen oo kaabiga inoo saran yihiin labadii doorasho oo is-barkani.

Sida haddaba inoo muuqata, nin laba sideetan Xildhibaan ku qanci kari waayey inay tirada xubnaha Golahaasi xataa cidduu doono kasta ha ku dul jiifsadee, in si uun Golahaasi wax u kala gooyaan si aanay muddo kodhin dembe u iman, ilma aha inuu Qaran dhan wax u kala soori karo. Guddoomiyaha Wakiilladu mararkii hore siday doonto ha ka ahaatee, haatanse waxa anfariir iyo af kala-qaad ku noqday Guddoomiyaha iyo Xisbigiisa Waddani ku dhawaaqistii kala qaadista labada doorasho iyo in la qabto ta Madaxtooyada waqtigii hore loogu qabtay ee ahayd, inay dhacdo March 2017ka, waayo Xisbiga Waddani ilaa hadda oo ay doorashadii Madaxtooyada waqti yari ka hadhsan yahay, weli umay soo cugan labadoodii Musharrax ee Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee uga qeyb geli lahaa tartankaasi.

Go’aankan kala qaadista labada doorasho iyo ta waqtiga qabashada

doorashooyinka Madaxtooyada ee  uu Madaxweyne  Mudane Axmad Siilaanyo ku soo saaray Dikreetada  in la qabto waqtigeedii, may ahayn marnaba mid uu Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ku darsaday shaxdiisii siyaasadeed ee uu ku lingaxay faylka saami qeybsiga oo uu fahamkiisa siyaasadeed siiyey,inaanu xal u heli karin Madaxweynuhu, maadaama ay u caal-waayeen Golihiisii iyo Guddoomiyayaahii Saddexda Xisbi Qaran, sidaa awgeed mar kale Saddexda xisbi Qaran oo la hordhigay, si ay go'aan wada jira uga gaadhaan, ayaa iyana dib ugu soo celiyey Madaxweynaha si uu isagu go’aan uga qaato. Intaa waxa kale oo ay u raaciyeen inay ku kalsoon yihiin, kuna qanci doonaan go’aanka uu ka qaato arrinta saami qeybsiga.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani waxa uu go’aankii la soo saaray ku noqday laba daran mid dooro, in Xisbigu qaato go’aankii Madaxweynaha uu hore kalsoonida ugu siiyey iyo inuu si degdeg ah u qabsado Shirweynihiisii Golaha Dhexe si uu usoo xulo labada Musharraxa ee dhanka Xisbigooda ka tartami doona. Labadaa qodoba waxa ay ku noqdeen xisbiga laf dhuun-gashay, waayo ma geli karo xilligan doorasho xisbiga dhexdiisa, waa uu kala jabayaa sidii Kulmiye ku dhacday,haatana UCID haysata, mana yeeli karo aqbalaada go'aankii Madaxweynaha oo maaha Musharrax Madaxweyne oo la doortay. Sidaa awgeed Xisbiga Waddani waxa ku dhacay fool habaw, waxanu cagta  saaray dariiqa laga galo beesha khalkhal abuurka iyo khilaaf gelinta  dalalka dunida Saddexaad, kuwaas oo markiiba soo saaray bayaan ay Madaxweynaheena ku amrayaan inuu kaga noqdo go’aankii kala qaadista labada doorasho, hadduu sidaa yeeli waayana inay ka jari doonaan shacbigiisa jalkii yaraa ee ay gacanta ugu hayeen, maadaama aanu go’aankiisu raali gelin looga qaateenka u jooga Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kale oo tan ka sii yaab badan, sida la sheegayo, in Guddoomiyaha Xisbiga Waddani uu Dacwad ka dhan ah go’aankii lagu kala saaray labada doorasho ee wakiillada iyo Madaxtooyada u gudbiyey Maxkamadda Dastuuriga. Waa yaab!!! Hadda waxa uu ka dacwoonayaa waa hawshii uu isagu lahaa ee uu xalka iyo maareyn kaleba  u waayey labada jeer ee marna la horkeenay isagoo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada marna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani. Bal haddaba waxan leeyahay  bulshoweynta ku  nool Jamhuuriyadda Somaliland ma idinla tahay inaan iska dhicino oo ku nidhaa qoyahan beesha Caalamka oo dhan tunka ku qaadatay[ Abidkayba waan jiray jab intuu dhacaayee, soo jiidh wanaagaa,jeeniga kusoo ama oodda soo jebi.]