Xisbiga Waddani Oo Kulanka Nairobi Ku Tilmaamay Masiibadii 28 Sano Ugu Weynayd Ee Somaliland Ku Dhacda, Eedana U Jeediyey Wasiirka Arr. Dibadda

0
772

Hargeysa (Geeska) Xisbiga WADDANI ee Somaliland ayaa shirkii Nairobi ee Somaliland ka qaybgashay ku tilmaamay mid hoos loogu dhigay meeqaamkii dawladnimo iyo karaamadii ay lahayd somaliland, taas oo uu ku tilmaamay masiibadii ugu weynayd ee Somaliland ku dhacda muddo 28 sano ah.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo warbaahinta la hadashay Arbacadii shalay, ayaa wax laga xumaado oo aan quluubta ka daadagayn ku tilmaamtay in madaxweynaha Somaliland uu ogyahay talaabadan lagu dilalayo qaranimada Somaliland, isla markaana u wakiishay wasiirkiisa arrimaha dibada. Sida ay hadalka u dhigtay. Iyada oo intaas ku dartay in haddii aanu madaxweynuhu ka raalli ahayn, laga sugayo in uu tallaabo ka qaado. Arrintaas oo ay sheegtay in xisbiga iyo shacabkuba ka dhur sugayaan talaabada uu madaxwaynuhu ka qaado labadaasi masuul ee ka qayb galay shirkaasi.

Marwo Faadumo Siciid ayaa sidoo kale wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo imika ka mid ah masuuliyiin hay’adda Center For Humantarian Dialogue ee kulankan soo qabanqabaisay, waxa ay ku eedeysay inuu ka shaqeeyo waxa ay ugu yeedhay dilaalnimada Somaliland iyo Soomaaliya. Iyada oo sheegtay in Mudane Maxamed Cabdillaahi Cumar uu wada shaqayn dhaw la leeyahay madaxda dawladda Soomaaliya, muddo badanna uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Marwo Faadumo Siciid waxa kale oo ay wasiirka hore ku eedaysay in wakhtigii uu waisiirka arrimaha dibadda ee Somaliland ahaa, uu leexiyey dhabihii ay ictiraafka ku raadinayeen madaxwaynayaashii Maxamed Xaaji Ibraahim cigaal iyo Daahir Riyaale Kaahin.

Dhanka kalena Marwo Faadumo Siciid Waxa Ay Wax Laga Xumaado Iyo Nasiib Daro ku tilmaamay Hadalkii Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ee uu ku sheegay in Somaliland ay u tagayso cid kaste oo ay Somaliya u soo dirato wadahadalada Somaliland, iyada oo sheegtay in aanay xisbiga WADDANI iyo shacabka reer Somaliland mar danbe u dul qaadan doonin, arrimhaas. Iyo in wasiirku haddii uu tegeyo kulamada noocaas uu sheegay ah aanu metelayn Somaliland iyo dadkeeda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here