Xisbiga Waddani Oo Ku Baaqay Mudaharaad Ka Dhan Ah Heshiiska Dekedda Ee Imaaraadka

0
445

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga Waddani ayaa ku baaqay mudaharaad salmi ah oo ka dhan ah heshiiska uu Madaxweyne Siilaanyo dawladda Imaaraadka Carabta kula galay dekedda Berbera.

1

Siyaasiyiinta xisbiga Waddani ayaa si adag u dhaliilay heshiiskaas, waxaanay shacabka ugu baaqeen inay muujiyaan dareen diidmo ah oo ay kaga soo horjeedaan heshiiskaas. Guddoomiye-xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa ugu horayn yidhi “Waxa nasiib darro ah in UAE ay heshiis la saxeexdeen xukuumadda Silanyo oo uu weheliyo guddoomiyaha KULMIYE, arrintaas oo baalmarsan sharciga, haddii dalka maalgashi la samaynayo iyo haddii cid lala heshiinayo waxa shacabka matala baarlamaanka,w axaan baarlamaan la soo marina sharci noqon maayo, waxaanu markaas Imaaraadka uga digaynaa in heshiiskaasi yahay heshisi qarsoodiya oo aan sina uga suurtogalayn shacabka Somaliland.”

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa isna heshiiskaas ku tilmaamay mid xaaraan ah “Waxaanu shacabka u sheegaynaa heshiiskaas ay madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ay la galeen shirkadaas Imaaraadka in aanaan waxba kala socon, xisbiga Waddani, goleyaasha iyo umadu waxba ka ogayn, arrin qarsoodiya oo beryahaaba la maleegayay oo uu yahay heshiis xaaraana.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Mudada u  hadhey xukuumadu kama badna 7 bilood nimankaas imaaradkuna dalka wey ku soo noq noqanaayen xidhiidhkeena inaga iyo carabna waa la ogaa niman qowleysato ah baa ina heysta lakiin waxaan u maleynayaa shacbigii reer Somaliland waa uu falan yahay  barigii hore ayaa la odhan jiray Daahir baa in falay walaahi inamuu falin ee Siilanyo iyo dirkiisa ayaa ina falay waayo qof   madaxa kor u qaadayaa ma jiro waxaan idin  leeyahay dalku waxuu marayaa in isaga laftiisii la iibiyo oo xamar laynagu wareejiyo.”

Siyaasi Cali Cantar oo isna ka tirsan xisbiga Waddani oo halkaas ka hadlay ayaa isaguna si kulul u dhaliilay heshiiska dekedda Berbera, waxaanu tilmaamay in dalku galay xaalad adag oo dhinac walba ah intii uu Madaxweyne Siilaanyo talada hayay.