Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Xaaladaha Siyaasadeed Iyo Dhaqaale Ee Dalka

0
907

Hargeysa (Geeska)-Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaanu si cad u sheegay in aanu marnaba ka tanaasuli doonin mawqifkooda ku waajahan Komishanka Doorashooyinka.

Xasan Xuseen Maxamed (Codyare), iyo oo ka mid ah hogaanka iyo masuuliyiinta Xisbiga Waddani iyo Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale waxay ka hadleen maceeshada,qiimaha sarifka iyo abaaraha, Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, oo isagu ugu horeyn ka hadlaya ismarin waaga Xisbiyada iyo mawqifkooda ayaa yidhi “Beesha Caalamku waxay doonayaan in la heshiiyo, oo la wada hadlo, laakiin ilaa hadda Xukuumadda oo taladdii dalka haysa, oo xukunkii gacanta ku haysa, oo loo baahnaa inuu dhankeeda tanaasul ku yimaado ayaan diyaar u ahayn tanaasulkii iyo heshiiskii laga gaadhi lahaa arimaha Doorashada iyo Komishanka, Xisbiga Waddani-na mawqifkiisu waa in aanu doorasho dambe qabanin Komishankani”

Mar uu ka hadlaayey maceeshada iyo qiimaha sarifka ayaa yidhi “Haddii uu sarifku jabay, waxay ahayd in maceeshadu jabto, oo dadka loo naxariisto, oo la yidhaahdo mar haddii uu doolarkii jabay, wixii daruuriya, ee dadku u baahan yihiin, ee maceeshadu ugu horeeyso in la jabiyo, Xukuumaddana waxa laga rabay inay arintan soo faragaliso, baadhitaan ku sameeyso sababta maceeshada loo jabin waayey, madaama sarifkii uu hoos u dhacay”.

Mar uu ka hadlaayey Abaarta iyo biyo la’aanta ayaa yidhi“Waxaanu aad iyo aad ugu boorinaynaa, in dadkaas lala gaadho biyo, maalinba maalinta ka dambaysa wey ka sii darsaysaa, ee ILLAAHAY waxaynu ka baryeynaa inuu abaarta inaga dulqaado, oo uu gacanta bila’aadanku waxba ma tari karto, ee ILLAAHAY ha inoo naxariisto, waxay ahayd in mar horeba laga sii tabaabushaysto abaaraha, marar badan ooh ore ayaa laga wada hadlay abaaraha, oo la yidhi sidee ayaa abaaraha wax looga qabtaa, laakiin waxba lagama soo qaadin, waxay ahayd in biyaha la qabto marka uu roobku da’o, wax badan baana Dawladda dhinaceeda ka habsoomay, oo qaabkii looga baahna inay abaaraha u waahajdo umay waajihin”

Xasan Xuseen Maxamed (Codyare), oo isna dhankiisa ka hadlaya Doorashada iyo ismarin waaga Xisbiyada ayaa yidhi “Heshiisku wuxuu imanaya marka uu Xisbiga Kulmiye uu ka tanaasulo halka uu taagan yahay, oo Komishankana la kala eriyaa, sidii horeba loo kala eriyey Komishanadii hore, anagu sannad iyo badh ka hor ayaanu xasaanadii kala noqonay Komishankan, ilaa meesha ay ka tagayaana anagu ma ogolin Xisbiga Waddanina Doorasho u qaban mayaan, anagu in badan baanu tanaasulaynay oo Shir guddoonkii la isku qabsaday ee aanu anagu xaqa u lahayn waanu ka tanaasulay, Doorashadii nala boobay ayaanu ka tanaasulay, ee anagu tanaasuluun ku jiri mayno, ee anagu mawqifkayga Komishankan ka noqon mayno, haddii ay iyagu ka noqon waayana halkaas ayey taagnaysaa”

Mar uu ka  hadlaayey maceeshada iyo qiimaha sarifka ayaa yidhi “Doorkii ay Dawladdu ku lahayd ayaa meesha ka maqan, Dawladda ayaa abuuraysa sicir bararka iyo maceeshad bararkaba, cashuurahan faraha badan ee dadka laga qaadayo, iyo lacagtan aan dadka dib ugu soo noqonaynin, ayaa dhibaatada keenaysa, Dawladda ayaana mushkilada abuuraysa, marka Dawladda ayaa dhibta dalka ka taagan masuul ka ah dhinac walba”

Codyare mar uu ka hadlaayey ka hadlaya abaaraha ayaa yidhi“Xalka qudha ee loo baahan yahay waa in loo gurmado dadka,dawladda ayaana u xilsaaran, inay gurmato weeyaan, laakiin inay dadka dhayalsato, oo ay xil iska saari weydo umadda maaha”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here