Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Gogol-Nabadeed Oo La Dhigay Magaalada Ceerigaab

0
505

Hargeysa (Geeska) – Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, Jamaal Jaamac Xaamud ayaa ka hadlay gogol nabadeed oo la dhigay Magaalo Madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, oo loo dhigay labada Beelood ee wada dega Gobolkaas oo dagaal ku dhexmaray Deegaanka Shidan, waxaanu tilmaamay inuu aad iyo aad u soo dhaweeyeyno wax kasta oo labada Beelood lagu heshiisinayo.

Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku taliyey in umadda muslimiinta ah aan laga ogolayn inay cidhiidhi iyo rejo xumo is galiyaan, kana quustaan naxariista ILLAAHAY, waxaanu si gaar ah uga hadlay bisha Ramadaan, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Gogosha nabadeed ee la dhigay Ceerigaabo, inay si gobonimo iyo maamus leh inoogu dhammaato ayaan rajaynayaa, labada Beelood ee walaalaha ah ee aan sinaba u kala maarmayn ee isku dilay Shidan waxaan ugu ducaynayaa khayr, anigoo walibana si gaar ah ugu mahadcelinaya Odayaasha labada Beelood oo iyagu heshiiska iyo islaaxa labada Beelood ka taliyey, ta kale labada Beelood ee heshiisku ku dhexmaray Magaalada Burco, heshiiskaasi wuxuu ahaa heshiis milgo leh oo qodobo loo baahnaa ka soo baxeen, ee labadaas Beelood iyana waxaan leeyahay mar walba walaaltinimadiina ka taliya”.

Mar uu ka hadlaayey nabadgalyada ayaa wuxuu yidhi “Waxaa jira Waddamo badan oo horumar gaadhay, oo aqoonsi caalamiyana haysta, balse haddana nabadgalyo daro ku jirto, ee nabadgalyada ilaalinteeda mar walba aynu xil iska saarno, cid kasta oo nabadgalyo daro wadana aynu iska qabano, nabadgalyo darada, caddalaad-darada iyo dulmigana aynu ka dheerano, oo cadaaladda iyo xaq aynu dhaqan ka dhigano,  maxaa yeelay caddaalad-daro iyo dulmi la sameeyaa waxay horseed ka noqdaan nabadgalyo daro dhacda, ee aynu iska ilaalino,”

Mar uu ka hadlaayey Coronavirus ayaa yidhi “Haddii aynu nahay dad muslim ah, jidka saxda ah ee ILLAAHAY inoo ogol yahay ee inoo horseedaya raali ahaansha ILLAAHAY iyo jidka khaldan ee cadhada ILLAAHAY iyo naar inoo horseeday aynu kala garano, haddii aynu nahay dad islaam ah, inaynu ILLAAHAY isku xidhno, oo imtaxaan kasta oo ina soo mara aynu ka gudubno oo yeynaan  cidhiidhi iyo diiqad is galin, ee Coronavirus ILLAAHAY ha inaga hayo, bishii khayr badnayd ee Shabcaan baynu ku jirnaa, bishii barakada badnayd ee khayrka iyo fadliga badnayd ee Ramadaana foodda ayey inagu soo haysaa ee ILLAAHAY khayr ha inagu gaadhsiiyo,ee dadkeena danyarta ah aynu caawino, oo aynu badino akhrika quraanka, ducooyinka iyo saliga Nabigeena ee khayrka badan, ee Nebi Muxamed, oo ah Nebiga ugu fadliga badan, ILLAAHAYNA waxayna ka baryeynaa naxariistiisa adduunyada iyo naxariistiisa akhiro iyo inuu maca Nabigeena inaga dhigo”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here