Hargeysa (Geeska)-Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa baaq nabadeed u diray Beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay Taleex, waxayna ugu baaqeen inay joojiyaan dagaalka iyo dhiiga daadanaya, Nabadna qaataan, waxayna sidoo kale baaq u direen Golaha Guurtida iyo Madax-dhaqameedka Somaliland oo ay ugu baaqeen in sida ugu dhakhsaha badan Labadan Beelood ee is laayey u kala dhex galaan, soona afjaraan dagaalka.
Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo isagu ku hadlaayey Afka Xisbiga Waddani oo Shalay Shir jaraa’iid ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan “Waxa aanu aad iyo aad uga naxaynay oo aanu ka xunahay, dagaalka ka dhacay Taleex, oo runtii ah dad isku qoys ah, oo isku meel qudha ah, oo runtii dad badani ay dhinteen, marka hore waxa aanu ILLAAHAY uga baryeynaa oo aanu tacsi u diraynaa dadka halkaas ku naf waayey, inuu ILLAAHAY naxariistii Jannadii ka waraabiyo dadkii ay ka dhinteena uu samir iyo imaan ka siiyo, dhaawacana inuu ILLAAHAY u gargaaro, waxaaanu ugu baaqaynaa Shacabka dadkaas walaalaha ah, inay joojiyaan dhiga halkaas ku daadanaya, oo Nabad ku wada noolaadan.
Maanta waad arkayseen dhibaatada Adduunyada ka dhacaysa, Maanta dadka Shacabku uma baahna dil iyo inay iyagu gudahood is dilaan, dhibaatooyin badan ayaa ku gadaaman qaarada aynu ku noolnahay, waxaanu ugu baaqaynaa inay Nabad ku wada noolaadan oo joojiyaan dhibaatooyinka”.
Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani ayaa mar uu la hadlayey Guurtida iyo Madax-dhaqameedka Somaliland yidhi “Waxa aan rabaa in aan Laba meelood baaq u diro, marka hore in aan u baaqo Madax dhaqameedka Salaadiinta guud ee Somaliland oo dhan, oo runtii ah laf-dhabarta Somaliland, waxaan Salaadiinta ugu baaqay in si deg deg ah hawshaas u gaadha, oo intii awoodooda ah wixii ay ka qaban karaan ka qabtaan, waxaan iyana baaq u dirayaa Golaha Guurtida Somaliland,oo hawsha keliya ee ay gacanta ku hayaan ay ahayd, in marka meelahaas oo kale dhibaato uga dhacdo in si deg deg ah Guddi loo diro, oo wax ay markaas ka qaban karaan hawshaas si deg deg ah wax uga qabtaan, Golaha Guurtida waxa aan leeyahay ka kaca fadhiga, fadhi Maanta ma joogo, halkaas dhibaato weyn ayaa ka dhacday, dhibaatada ka dhacday waxa ay u baahan tahay in gurmad deg deg ah la galo, Xukuumad, Salaadiin iyo Madax-dhaqameed iyo Guurtiba in fadhiga laga kaco, oo dadkaas walaalaha ah ee dhibtu ka dhex dhacday in la kala gaadho, ayaan ku talinaynaa aniga oo ku hadlaya Afka Xisbiga Waddani”.