Xisbiga Waddani oo dhaliilay qaabka Madaxweyne Silanyo uga jawaab celiyay sicir bararka

0
470

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay inuu garan kari waayay curiyayaasha sicir bararka dalka ka jira islamarkaana uu ka soo tallo bixinta sicir bararka jira tallo ka weydiinayo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan-Saylici iyo kooxo kale oo loo tirinayo inay sabab u yihiin sicir bararka taagan.

Warsaxaafadeed uu shalay soo saary xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa wuxuu u qornaa sidan “Marka hore abaal lama gadee, aan Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad-celiyo sidii quruxda badnayd ee ay War-saxaafadeedkayagii qaybo badan oo ka mid ah u soo xigteen, war-baahinta xukuumaddana uga sii daayeen. Mar labaadka aan hanbalyeeyo Injineerka saawiyadda saaray ee sida quruxda badan u dhidbay, u sigib-tiray isuguna beegay Biraha iftiinka qorraxda ku shaqeeya ee waddada cisbitaalka dabo marta lagu safay, in kasta oo aan jidkaa la dayac-tirin habeenkiina siigadii qarsoonayd muuqnayso. Waxan se garan waayay wersheddan Waran-cadde ee birahan iyo tamartan qorraxda ee uu ku deeqay soo saartay iyo halka ay ku taal.

Waxaan maqli jiray midi waa yaab, midina waa yaabka-yaabkii. Annaguna waxaanu maanta leenahay midi waa quus, midina waa quusta-quusteed. Midi waa quus oo Mudane Silaanyo, madaxiisa iyo minjihiisiba Ilaahay ha raajiyee oo 'Master' ku sita dhaqaalaha, konton sannadoodna siyaasadda Soomaaliyeed ku soo jiray, ayaa garan waayay curiyayaasha sababa sicir-bararka. Midina, waa quusta-quusteed oo Ku-xigeenkiisa Seylici iyo intii sicir-bararkaba loo aanaynayay ayuu u diray, waa quusta quusteed. Sicir-bararku se ma maanta ayuu bilaabmay? Miyaanay ummaddan tabaalaysani beryahaaba tawstiisa la tallaabsan la'ayn. Mise xaalku waa: "Maba cuno hadhuudhkee, maxaad ii hafraysaan,"-tii Marcos Maansada Isa-sudhan ka werisay.

Sheekadii Kiishka ku soo noqo. Waa murtidii iyo xikmaddii Mufaker Cawaale Caynaan Diiddan oo noolaa 1929kii – 2002dii. Ehlul xikam Awdaliya oo ka sii Booramaawiya ayuu ahaa. Wuxu ka mid ahaa dadkii ugu mudnaa ee ra'yal-caamka samayn jiray. Hadalka ma saafin jirin. Wuxu ku hadli jiray tibaaxo sarbeeban oo sogordohan oo uu waxoogaa saray, si ay dadku u saaftaan. Sannadihii dul-saarka ahaa ee nidaamkii millateriga ayuu ka yaabay sicir-bararkii dhacay iyo sidii ay noloshu cidhiidhiga u gashay. Beryahaas ayuu Mufaker Cawaale soo saaray aragtida Kiishka. Wuxu si sarbeeban u saray in uu jiro kiish weyn oo aan buuxsamayn oo afkiisu Boorame, Hargeysa, Berbera ama magaalooyinkii gobollada woqooyi yaallo, dabadiisuna Xamar taal. Xukuumadda sidii Goroyada madax ciidda gashanaysa, waxaanu u sheegaynaa in aanay wax kale jirin oo aan ahayn Kiishkaa Cawaale sheegayay oo maanta dabadiisii London taal oo goorta uu buuxasamaa dheer tahay dhibna leedahay. Xukuumaddu haddii ay xal waara oo dhab ah u doonayso arrintan sicir-bararka Kiishkaas ha soo duudduubto waxa ku jirana khasnadda guud ha ku soo celiso.

Dhaxalkii suugaaneed ee Timacadde, waxaynu ku haynnaa:

"Sida nimankan wada dhoofayeen, dhidib ka oollaynin,

 Ama aan u dhalan bay arlada, uga dhammaysteene,

 Soomalinnimadii waxay dhaafsadeen, baan la dheygagay,"