Xisbiga Waddani Iyo Siyaasiyiinta Isbahaysiga KULMIYE Oo Midoobay & Doodda Ka Dhalatay Xilka Cusub Ee Xirsi

0
500

Hargeysa(Geeska)-Garabkii isbahaysiga siyaasadeed ee KULMIYE, ayaa shalay ku dhawaaqay inay si rasmi ah ugu biireen xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

1

Shirjaraa’id oo ay wada jir u qabteen xisbiga Waddani iyo siyaasiyiintani, ayaa waxay ku cadeeyeen inay soo gunaanadeen wada hadaladii islamarkaana heshiis lagu gaadhay in lagu midoobo xisbiga Waddani ee mucaaradka ah.

Afhayeenka siyaasiyiintan Md. Xuseen Axmed Caydiid, oo halkaas ka hadlay ayaa cadeeyay in garabkoodii ay ku biireen Waddani, “Waxa soo gebagaboobay wada hadalo muddo u socday xisbiga Waddani iyo garabkii isbahaysiga dimuqraadiga ah ee xisbiga KULMIYE, dedaal iyo wada hadal ka dib waxa la soo gaadhay in la gaadho heshiis rasmi ah oo lagu soo gunaanaday wada hadaladii mudada soo socday. Heshiiskaas waxa runtii mucdiisu tahay in garabkii isbahaysigu uu si rasmi ah ugu biiro xisbiga Waddani.” ayuu yidhi Xuseen oo intaas raaciyay “Waxaan markaas xubnihii aanu kaga wakiilka ahayn wada hadalada ee isbahaysiga iyo taageerayashooda iyo umaddaba  ogaysiinaynaa in laga bilaabo xilligan uu garabkaasi si rasmi ah ula midoobay xisbigaas Waddani.”

Xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani Md. Cabdirashiid Xasan Mataan oo ku hadlayay magaca xisbiga Waddani ayaa isna sheegay inay xisbi ahaan ku faraxsanyihiin in siyaasiyiintani siyaasiyiintan ku soo biiray.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan-Cirro ayaa isna warbaahinta u sheegay in siyaasiyiintani miisaan ku soo kordhin doonaan xisbiga Waddani, “Waxa la isla gartay si guud in lagu heshiiyo, tafaasiishooduna iman doonto wakhtiga ku munaasibka ah, waana laga heshiiyays aami qaybsiga iyo mabaa’diida.” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Guddoomiye Cirro, wuxuu sheegay in Axadda la samayn doono munaasibad uu Xisbiga Waddani ku soo dhawaynayo siyaasiyiintan.

Hoggaamiye Xisbi

Qaybo ka mid ah heshiiska labada dhinac oo soo baxay ayaa sheegaya in garabka isbahaysiga gaar ahaan wasiirkii hore eemadaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan uu noqon doono hoggaamiyaha xisbiga [party leader] kaas oo ay dadku su’aalo badan iska weydiiyeen awoodihiisa iyo weliba farqiga u dhexeeya guddoomiyaha xisbiga oo isna la filayo inuu noqdo Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde.

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in faraq u dhexeeyo labada awoodood ee labadan masuul, waxaanay awoodaha guddoomiyuhu ku cad yihiin xeerka xisbiga, halka awoodaha hoggaamiyaha xisbiga isna lagu qeexi doono xeerka xisbiga marka la gaadho shirka xisbiga u mudaysan bishan gudaheeda oo la hor dhigi doono.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cirro ayaa la filayaa inuu xilkan doodaha badan dhaliyay sharaxo maalinta Axadda ee ay siyaasiyiintani si rasmi ah ugu biirayaan xisbiga uu madaxda ka yahay.