Xisbiga UCID Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Dalka Ka Saarto Wakiika Jabuuti

0
677

Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha Arrimaha Guddaha ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa jawaab ka bixiyey wakiilka uu Safiirka Jabuuti u fadhiya Somaliland u soo jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, waxaanu sheegay in wakiilkani uu ka baxay anshixii diblamaasiyada, waxaanu ugu baaqay in muddo 24 sacadood ilaa muddo 48 sacadood gudahood uu dalkaga kaga baxo.

Xoghayaha Arrimaha Guddaha ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, oo Warbaahinta la hadlay ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan  “Waxaanu runtii ka jawaabi doona hadal ka soo yeedhay Wakiilka Jabuuti u fadhiya Jamhuuriyada Somaliland, oo runtii wajiiba ahayn in nin Wakiil sheeganaya, inuu Tiifiyada yimaado isagoo jooga dalkii uu martida ku ahaa, in aflagaado fool xun, iyo waxyaabo aan laba qiran haddii xitaa sameeysay, afcaasha uu kaga jawaabayey Guddoomiyaha Xisbiga UCID, oo runtii ka turjumaayey Xisbinimo, fikrada aanu ka aaminsan nahay Jabuuti, iyo dadkaygu waxay ka aamisan yihiin, waxaanu ka aamisan nahay dawladda yar ee Jabuuti inay tahay cadawga kowaad ee Somaliland, cadawga mar walba ku dagaal gala muddada 30 sanno ku dhaw in aan Somaliland helin aqoonsi, in aanay Somaliland noqon dawlad taagan oo ay jaar yihiin, taasi kama qarsoona umadda reer Somaliland, Xisbigayguna mana qarsado, mana qarsanayno, marka aanu taladda qabana waajibkayga ayaanu ka mari doonaa, na farayo badbaadinta qaranimada Somaliland iyo la dagaalka cadawgeeda”.

Ramaax oo ka hadlaya Shacabka reer Somaliland ayaa yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa dadweynaha Somaliland, Warbaahinta, ay ilaa xalay ku difaacayeen qaranimada Somaliland, iyo hadaladii uu Guddoomiye Faysal uu yidhi Jabuuti, aad iyo aad baanu runtii idinku mahadanqayaa, Xisbiga uu doono ha ahaado, Shicibka Somaliland oo dhan ayaa ka hawlgalay, haddii aad Facebook daawato dareenka dadka ayey ku tusaysay”.

Mar uu ka hadlaayey Telefshinta Qaranka Somaliland  ayaa yidhi “Waan u mahadnaqayaa Warbaahinta qaarkood, qaarkoodna waan cambaraynayaa, waxaa ugu horeeya Tifiga Qaranka, oo ninkaas sheeganayey Wakiilka Jabuuti, oo ay runtii xaaran tahay inuu noo jawaabo iyo inuu hadlaba oo ka baxay anshixii Diblamaasiyada, Safiir haddii uu sheeganayo qoraal ayey wax ku soo qoraan, laakiin isagoo dalkii uu martida u ahaa jooga Tifi inuu u yeedho wuxuu doono ku hadlo, oo markii kowaad aanay ahayn waa nasiib daro, waxaana leenahay Wasaaraddu waa inay deg deg uga qaada talaabo cidii warkaas ka soo duubtay, Tifiga Qaranku uu ka dhexeeya umadda reer Somaliland, baa leh, waa kii cashuurteena lagu bixinaayey, marka aanu anagu dalka difaacayno ama aanu sheegano dhaliilaha Xukuumadda, uu sheegi waayo, cadawga Somaliland warkoodu inuu buunbuuniyo wax loo dulqaadan karo maaha waxaana geyn doona Maxkamadda Sharciga ah iyo Xeer ilaalinta,Shirkaygii aanu qabsanay muu iman ee Golaha Dhexe, ee kii Wadani muu imanin, lagama sii daynin, Xisbiyaduna waa arkaantii qaranimada, Xisbiga taladda dalka haya iyo Xisbiyada kale wey u siman yihiin marka laga hadlaayo warbaahinta qaranka”.

Mar uu Xukuumadda ugu baaqayey inay dalka ka saarto Safiirka Jabuuti iyo socdaalkii Madaxweynaha ee dalkan ayaa yidhi “Jabuuti wey cansuuntay Madaxweynaha, mar kaliya calankeena lama daba dhigin, oo mar walba waxa daba yaalay Calanka Jabuuti, iyadoo u taala Xukuumadda haddii ay taas raali kala tahay, laakiin dadka reer Somaliland raali kama ah, weyna og yihiin Jabuuti waxay u tahay iyo dagaalka ay kula jirto, haddii ay tahay xagga ganacsiga, haddii ay tahay xaqga jiritaanka, haddii ay tahay xagga nabadgalyada, taas oo Guddoomiyuhu ka hadlayna waan ayidayaa, anagu kolay reer bari baan ahay oo marka sixir iyo wax la soo qaado aad baanu u didnaa, waxa uu ninkaasi sheegtay oo uu yidhi waanu kula daalnay madaxdiina, afka soo baro ayaan odhan lahaa, af dulmaasiyadeedna maaha, waa mid anshaxa ka baxsan, dhaqankaygana maba aaminsanin sixir iyo falbaa idin qaban, Guddoomiyahayaga iyo dhammaantayo xijaab baanu ka sidanaa, na qabto ayaanu leenahay waxaad sheegtay ee aad tidhi waanu idin falnay, oo waad ku joogi weyday, qofka sixir iyo fal sheegtaana waaba gaal oo tii diineed buu ka baxay, tii dhaqankana uu ka baxay waxaanu Xukuumadda u soo jeedinaynaa inay muddo 24 sacadood ah haddii ay xamaamo badani ka taalana muddo 48 sacadood ah, in dalka lagaga saaro, waana sugaynaa, xilligaasna waanu ka hadli doonaa, haddii waxba laga qaban waayana waa cambaar labaad oo Xukuumadda ku soo noqonaysa, madaama tifigeedana laga sii daynayey, iyaguna inay la qabaan ayaanu XIsbi ahaan u qaadan doonaa”.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here