Xisbiga UCID Oo Xukuumadda Madaxweyne Biixi Ku Tilmaamay ‘Mid Fulay Ka Ah’ Go’aan Qaadashada

0
606

Burco (Geeska) – Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaradka ah ee UCID Axmed Xirsi Ducaale ayaa dhaliilay Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xoghayaha guud ee UCID oo Safar ku jooga Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa sheegay in sababta ay diwaangelintu u soo gaadhay xilligan ama dib ugu dhacday ay qayb ka tahay go’aan qaadashada Madaxda hoggaaminaysa Qaranka, gaar ahaan Xukuumaddii la soo doortay 2017-kii.

Xoghaye Axmed Xirsi Ducaale oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dawladda Somaliland ee inoo dhalatay 2017-kii waxaan odhan karaa waxay ahayd Dawlad fulay ah, Fulaynimadu maaha inaad Goobta dagaalka ka cararto, laakiin Go’aan qaadasho la’aanta ama dhiiranaan la’aantu waxay ka mid tahay fulaynimada Qofka hoggaaminaya iyo Dadka hoggaaminaya Ummadaha.”

Xoghayaha guud wuxuu sheegay oo kale “Markaa waxaan odhan karaa waa Dawlad aan ku dhiiran go’aamadeeda, waa Dawlad aynu aragnay saddexdaa sanadood qaabkeeda Go’aan qaadasho, markaa waxaynu u baahan nahay inay la ititibino si aynu horumar iyo wanaag dalkeena u gaadhsiino, si aynu doorasho wanaagsan u galno oo aynu goleba gole kale ugu beddelno.” Ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office