Xisbiga UCID Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Gabiley

0
518

sssHargeysa(geeska)-Murashaxa xisbiga UCIDMd. Jamaal Cali Xuseen oo weheliyan masuulyiinta ugu saraysa xisbigaasi sida mujaahid Cali Gurey iyo Faadumo Siciid ayaa waxa si heer sare ah loogusoo dhaweeyay magaalda gabiley ee xarunta gobolka gabiley.

Waxana soo dhaweeyay kunaan qof oo sitay astaamaha xisbiga UCID xafladatan lagusoo dhawaynayay masuulyinta xisbiga ayaa daarnayd ku dhawaaqista musharaxa dhalinyarta ah ee Guuleed Maxamed Yuusuf oo u sharaxan golaha wakiilada Somaliland doorashoyinka soo socda,iyo sido kale dhalinyaro ka goosatay xisbiga kulmiye kuna soo biiray UCID. Waxa ugu horayn  madasha ka hadlay shacabka waynaha reer Gabiley oo amaan usoo jeedayay masuulyiinta UCID iyo sido kale musharaxa da`yar ee guuleed maxamud axmed bookh ku tilmamay masuul khirad uleh siyaasada dalka halkan ka daawo video…. Ugu danbayntii musharaxa madaxwaynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen iyo waliba masuuliyinta ugu sareysa xisbiga sida Cali Gurey iyo Faadumo Siciid ayaa iyaguna musharaxa  ku tilmamay mid looga baahanyahay golaha wakiilada iyagoo sido kale ka hadlay arimo kale oo doora.

Cali Gurey ayaa khudbad uu halkaas ka jeeidyay wuxuu ku sheegay in doorkani yahay doorkii ay reer Gabiley codkooda siin lahaayeen Murashax Jamaal Cali Xuseen. Waxaana fashilmay qorshe uu maamulka Gabiley ku doonayay inuu isku hortaago kulankaas dhex maray UCID iyo reer Gabiley.