Xisbiga UCID Oo Kulmiye Iyo Xukuumadda Ku Eedeeyay Xagal-Daacinta Mooshinka Iyo Doodda Xisbiga KULMIYE

0
683

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa xukuumada ku eedeeyay inay golaha wakiilada dhexdiisa ay ku fashilisay heshiiskii murankii doorashooyinka laga gaadhay.

Axmed Cabdi Muuse Abyan oo u hadlay xisbiga Ucid ayaa xukuumada ku dhaliilay inay dalka galisay xaalad murugsan iyadana looga fadhiyo sidii wax looga qaban lahaa arimaha doorashooyinka ee dhawaan uun la furdaamiyay murankoodii waxaanu hadalkiisa ku bilaabay“27 bishii 7 in heshii sadexda xisbi madaxweynaha iyo guddoomiyayaashu ay ku saxeexeen iyo bulshada caalamka oo goobjooge ka ah xafiiska madaxweynaha heshiis kaas oo ku saabsanaa  doorashadii golayaasha,is afgarad la’aantii jirtay in laga gaadhay  laguna balamay in laga wadahawl galo inuu heshiiskaasi fulo, heshiiskaasina taariikhuu lahaa xiliga kama danbayn ah ayuu lahaa gudiyo ayaa jiray sadexda xisbi ah oo ay ahayd inay hawshaas iyaguna ay dhinac socdaan oo madaxweyne ku xigeenku uu oday u ahaa, markiiba anagu waanu ka hawlgalnay Ucid ahaan iyo xisbiga kale ee mucaaradka ah ee Waddani heshiiskaasi sidii uu u dhaqan gali lahaa nasiib daro waxaanu waynay Kulmiye da’daal badan ayaanu ku bixinay inaanu raadino Kulmiye iyo gudidoodii iyo madaxweyne ku xigeenka si looga hawlgalo heshiiskaas fulintiisii, hawshaas waanu ku guuldaraysanay oo maanu helin magaaladana waa ay joogeen, waxaanu ku guulaysanay Ucid iyo Waddani labada xisbi ee mucaaradka ah inaanu gayno mooshin kaas oo ahaa hirgalinta qodobkii ugu horeeyay ee heshiika ee ahaa in xubnaha komishanka ee soo socda mid lagaga dhigaayo 9 halkay 7 ka ahaayeen, mooshinkaasana waxay ahayd in ay gudbiyaan saddexda xisbi qaran xildhibaanadii Kulmiye waanu waynay walow aanu helnay ashkhaas damiirkoodu uu siiyay inay mooshinkaas wax ka gudbiyaan oo saxeexay, sidaas ayuuna ku aqbalay bishii 08/08/2019 guddoomiye ku xigaanka golaha wakiilada, waliba uu yidhi waxa jira mooshin sharci ah.”                                                                                                        Abyan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ intii ka danbaysayna waxaanu ku da’daalaynay anaga iyo xisbiga Waddani in mooshinkaas cod la galiyo inta aanu goluhu fasax galin marlabaadna waanu waynay xisbigii Kulmiye cid nagala shaqaysa hawshaas waliba waxaanu ogaanay inay ka ollolaynayeen oo ay ka dhan ahaayeen heshiiska inuu fulo, ayna ku ollolaynayeen in aan mooshinkaas cod la galin ee la banjariyo arintaasina maanta ayay soo baxday ( shalay), iyaga oo Kulmiye ku guulaystay iyaga oo u dhan xukuumad iyo xisbi ahaanba inay burburiyaan heshiiskii madaxweynuu uu ku saxeexay madaxtooyada, waxa kale oo ay ku faraxsan yihiin inay mooshinkii sharciga ahaa ay si sharci daro ah u laaleen, waxa kale oo ay ku guulaysteen in  ay fasax galiyaan baarlamaanka aan sharci ahayn si aanu heshiiskaas u fulin, waxa ayaan daro ah in Kulmiye ay isku qanciyeen in talaabooyinka  ay qaadayaan ay qayb ka tahay inay heshiiska dhankooda ka fuliyeen, Kulmiye iyaga ayaa looga fadhiyaa xaalada aadka u qadhaadh ee ay wadankii galiyeen iyo rajadii laga qabay inay doorasho ay dhacdo masuuliyadaasna iyaga ayaa qaadaya xisbi ahaan iyo ilaa madaxa u sareeya iyo guddoomiyaha baarlamaanka oo ku kacay talaabadan foosha xun ee ah in  fasax la galo baarlamaankii, waxaanay yidhaahdeen waxaanu u cuskanay heshii laga dooday intii goluhu furnaa arintaas oo been cad ah sanad ayayna baarlamaaku ku fadhiyeen arintan doorashada ilaa 5/2018-kii lagamana doodin lagamana hadlin iska daayo waabay ku fadhiyeen.”

Geesta kale Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa sheegay in doorashooyinku aanay u hakan doonin mooshinka ay diideen golaha wakiilada isla markaasna ay xisbiyada mucaaradka ah ka sii wada shaqayn doonaan sidii doorashadu ay u qabsoomi lahayd.

Axmed Cabdi Dheere guddoomiye  ku xigeenka labaad ee xisbigaas ayaa sheegay in aan diidmada mooshinkan xisbina lagu eedayn karin ee ay ahayd shaqo u taala  golaha wakiilada, waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi“ Sadexda xisbi waxay ku heshiiyeen in mooshinkaas loo gudbiyo golaha wakiilada in laga dhigo sagaal iyo inuu todobadiisii ahaado, heshiikuna kaas ayuu ahaa kii ay yidhaahdaana ay doorashadu halkaas ka sii socoto oo ay qabsoonto, markaas Kulmiyena kuma laha eed oo waa waxii aanu ku heshiinay Waddani iyo Ucidna ku eedayn mayno waa arin u yaala oo aanay cidna la lahayn baarlamaanka.”                                                                                                                                                  guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga talada haya ee Kulmiye waxa uu sheegay in xisbiyadu hore ugu heshiiyeen in aanay doorashadu u hakan doonin go’aanka baarlamaanka   “ Heshiiskyagu waxa uu ahaa aan u gudbino tabashada ay tabanayaan xisbiyada mucaaradka ah ee ah sagaal halaga dhigo ( xubnaha komishanka ) hadaanu nahay xisbul xaakimka may ahayn fikirkayaga tanaasul aanu yeelanay xisbiyada mucaarada ah ayay ahayd waanuna ku heshiinay oo qoraal ku kala qoranay in loo gudbiyo iyada oo saddexda xisbi ay wada jiraan golaha baarlamaanka goluhuna uu go’aanka baarlamaaka ayuu la yaalaa, hadii ay yeelaan iyo haddii ay diidaanba in aanu hawlaha kale ee ku gadaaman doorashada sidii aanu uga wada shaqayn lahayn aanu falowgeed qabno, haddii ay sagaal ka dhigaan iyo hadii ay todobada ku daayaanba .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here