Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Diiwaangelinta Madaniga Ah Ee Ay Qaadaceen

0
781

Picture4Hargeysa  (Geeska)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeedhay Xukuumadda, oo sheegay in Diiwaangelinta ay qaadeen Xisbiyada Mucaaradka ahi ay la xidhiidho Somaliya, waxaanu Xisbiga UCID sheegay in aanay arintaas waxba ka jirin, balse ay Xukuumaddu xidhiidh toos ah la leedahay Somaliya.

Xisbiga UCID ayaa Shir jaraa’iid oo Shalay Shir jaraa’iid ku qabtay Xafiiskiisa, ayaa waxa kale oo ay sheegeen in qodobo badan oo khalad ah oo aanay yeelayn ay ku jiraan Diiwaangelinta madaniga ah, khaladna ay tahay in Wasaraadda Arrimaha Gudduhu soo fara gashato Diiwaangelinta Madaniga ah. 

Xoghayaha Arimaha Bulshada ee Xisbiga UCID Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Keyse Cabdilaahi oo iyagu si wada jir ah Shirkan jaraa’iid u qabtay, ayaa sidoo kale waxa ay jawaab ka bixiyeen hadalkii dhaliisha ahaa ee ka soo yeedhay Wasiirka Duulista Hawada ee ku saabsanaa Musharaxa Madaxweyne ee XIsbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, Xoghayaha Arimaha Bulshada ee Xisbiga UCID Cabdiraxmaan Axmed Cali, oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay  ayaa yidhi “Lama arag Xeer Doorasho quseeya, oo Golaha Wasiiradu sameeystaan, Xeerka Doorashooyinka waa Xeer ka dhexeeya Xisbiyada Mucaaradka,Komishka, Guddi hoosaadka Barlamaanka iyo Madaxtooyada, laakiin waxa ay doonayaan inta ay iyagu sameeystaan inay sidaas ku ansixiyaan, oo macnaheedu yahay in aanay Doorasho dhicin, oo Madaxtooyada loo kordhiyo, oo Barlamaanka laba jeer oo hore loo kordhiyey inay Maantana xaaran ku sii fadhiyaan”. Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee Xisbiga UCID isaga oo ka hadlaya Guddoomiye ku xigeenka Wakiilada waxa uu yidhi “Waxa aan aad iyo aad uga xumahay in Nin dalka is xanbaar ku yimid, oo aan cod iyo caqiibo doonta ka gelin uu Maanta doonay inuu baabiyo Doorashadii Dalka , waxayna ognahay inuu ku faano waxa aan leeyahay Saddex Maamul Goboleed oo ku faano Khaatumo, Kilinka Shanaad iyo Juba Land. Waxa aanu oganay in Maalinta cadaadis ay Beesha Caalamku ku saarto Xuduudaha dalka iyo Qadiyada Somaliland, Mucaaradka ayey u yeedhata, Maalinta ay doonayasana inay sameeysto waxa yar oo caantayn ah, Wasiirada ayaa soo sameeya oo waxa la doonaa in Barlamaanka xoog in lagu dhaafiyo, waxaanu ognahay in xeer aan laga heshiin oo aan la isla meel dhigin in Dawladdu qalab keensatay, inay kabkii ka jartay Dawladdaha hoose, oo qerul dastuuriya, Maalimahan waan yaabana oo waxa aan arkaayey Qashinkii Magaalada oo sii kordhaya iyo Dawladdihii hoose oo dadaalaya, waxa aynu ognahay in Dawladdu ay markii hore soo saartay qodob sharci daro ah oo ah in Maayarada Afar Sanno aan lala tartami karo, oo dimuqraadiyada ka hor imanaayey, inay maantana fasaxday, oo haddii uu ka hor yimaado kabkaas laga jaray in Kursigiisa loogu yimaado”. Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa  isna  ka hadlay sababta keentay inay diidan Xisbiyada mucaaradku Diiwaangelinta waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Waxa aanu ku diidanahay Xeerka Madaniga ugu yaraan Todob Qodob oo ku jira Xeerka, oo aanay  ogeyn Beesha Caalamka, labada Xisbi Mucaarad iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka, oo xaga dambe lagaga daray, waxaana isku ogeyn in labada Diiwaangelinood is barbar socdaan, taas waa laga saaray, oo waxa la yidhi ilaa Diiwaangelinta Muwaadinimadu dhammaanayso lama qaban karo ta kale, qodobka kale waxa weeye qofka aan sidan Kaadhka Muwaadinimadu ma codeyn karo, iyana waanu diidanay, maxa yeelay dadka reer Somaliland waxa ay u badan yihiin dad guurguura iyo dad safaro ku maqan, waxaana markii hore Xukuumaddu ku heshiinay in Kaadhka Muwaadinka aan lagu xidhin Doorashada, waxa kale oo aan diidanahay in Diiwaangelinta Madaniga ah oo Wasaaradda Arrimaha Gudduhu wado oo aan meel ka soo gelin, oo Dawladdaha hoose xaq u lahayn inay iyagu ka shaqayn”. Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID  oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi  “Waxa kale oo aan diidanahay in meelaha ay Xukuumaddu ku faanayso inay cod ku haysto in Kaadhka muwaadinimada  laga dhargiyo, haddii aanu nahay Xisbiyada Mucaaradka wax naga dhexeeya Somaliya ma jiro, xidhiidh aanu la leenahayna ma jiraan, waxa se ay caddahay in iyaga ay wax ka dhexeeyaan, hadal uu Xasan Sheekh Maxamuud yidhi ayaa Maanta cad, waxaanu yidhi “Xukuumadda Somaliland inta caqliga leh waanu ka wada hadalnay, 2016 Dawlad fadaraal ah ayaanu dhisanaynaa” Xukuumaddu kamay jawaabin, halka ay Xisbiyada Mucaaradka ah ay ku eedaynayaan, Somaliya, Xeerkan iyo Diiwaangelintan la magacaabayna taas ayaa sabab u ah, oo in Doorasho ka dhicin dalka ayaa la doonaya 2015, oo 2016 Nimankani ay Somaiya  ina hoos geeyaan”.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID isaga oo ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasirka Duulista Hawada waxa uu yidhi “Wax aan doonayaa inaan ka jawaabo hadal ka soo yeedhay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada si uu Xaj uga hadlaayey, ayuunbaa arkay isaga oo ka hadlay Musharaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Aqoonyahan Jaamal Cali Xuseen,oo waxa uu ku hadlay hadal Nin Siyaasiya oo walibana Wasiira oo dalka xil ka hayaa aanu u qalmin inuu ku hadlo ayuu ku hadlay, isaga oo ku caayey Jamaal Cali Xuseen Baratakoolkana waxba kama taqaanid, Garoomo Caalamiyana waxba kamaad arag, Tababar in lagu furana waa la doonayaa, haddii aanu Jamaal Cali Xuseen Garoon arag, Baratakoolna aanu garanayn, madiga garanaya Baratakoolka, waxa leeyahay Wasiir waxa aad tahay Wasiirka ugu sharci jabinta badan dalka, Wasiirba koob ayaan siiya , Wasiirka ugu afsoomaaliga xun Cali Waran Cadde ayaan siiyey, Wasiirka ugu sharci jabinta xun dalkana waa Wasiirka Duulista Hawada, markii uu ku fashilmay arintii Somaliya ee Wasaaradda Duulista hawada Somaliya ay la wareegtay hawadii Somaliya, waxa uu ka qeyb galay Shir Ganacsiga ah, waxa aanu la hadalnay Wasaaradda Ganacsiga, gaar ahaan Agaasimaha iyo Wasiir ku xigeenka, waxa ay nagu yidhaahdeen Madaxtooyada ayaa laga diray, haddana waxa uu ka qeyb galay Shir amniga ah, oo waxa aanu la hadlaynay Wasaaradda Arrimaha Guddaha, waxa ay iyana noogu jawaabeen waxa laga diray Madaxtooyada”. Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu hayo Video laga duubay Wasiirka Duulista Hawada isaga oo leh qorshaha iguma jirto in Garoomo loo sameeyo Boorama, Laascanood iyo Ceerigaabo, waxaanu xusay inuu soo bandhigi doono, isla markaana aanay haboonayn in Somaliland la kala qeybiyo