Xisbiga UCID Oo Eedaymo U Jeediyay Wasiirka A. Gudaha

0
582

Picture2Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha Arrimaha Guddaha ee Xisbiga UCID Cabdiqani Ibraahim Salaf ayaa canbareeyey Falkii ay ilaalad Wasiirka Arimaha Guddahu ku garaaceen Xidhlbaano ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Berbera, waxaanu  Nasiib daro iyo u qaadan waa ku tilmaamay in Xildhibaan Xasaanadi Saaran tahay ay Ciidanka gacanta u qaadaan waxaanu Bulshada usoo jeediyey in ay Amaankooda Sugtaan.

Xoghayaha Arrimaha Guddaha ee Xisbiga UCID ayaa sidoo kale waxa uu Sheegay inay xukuumada u hadhsan tahay 6 Bilood oo kaliya,wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland  uu dalka galinayo Buuqa isla markaasna u dhaqmayo Talaabooyinkii u ka dhaxlay Maxamed Siyaad Bare waa sida ay Hadalka u dhigeene waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay mar uu Shalay shir jaraa’iid uu ku qabtay Xafiiskiisa “Arintaas oo laga daawanayay Runtii warbaahinta Kala duwan sida Foosha Xun ee Ciidanka ilaalad u ah wasiirka Arrimaha Gudahu u garaaceen Labada Xildhibaan Ee ka tirsan Golaha Deegaanka ee dagmada Saaxil, Xildhibaanada Waxa saran Xasaanad,Arintaasina waa arin Fool Xun aad iyo aadbaan U Canbaaraynayaa Arinkaas ka xisbi ucid ahaan,Xildhibaanada waxaan leeyahay Dul-qaad Fiican ayaad yeelateen oo runtii idinka oo jooga gobolkii laydinka soo doortay ayaad hadana ixtiraamteen.

Xog-hayaha Arimaha Gudaha ee xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray.“Baryahan Danbe Wasiirka arrimaha gudahu wuu soo qaatay waxaana aad Moodaa inuu Dalka ka wado Nabad Galiyo daro,Wax kasta oo dadka ka cadhaysiinayana Sameeyo,Talaabo kastana ku dhaqaaqo,Sidaas Runtii Kuuma Fiicna Wasiir Ayaan odhan lahaa anigu.

 “Ciidanka RRU ood Iyana Moodo Runtii in ay badaleen Ciidankii Maxamed Siyaad Bare ee shacabka habeenkii saqda dhex Dadka ugu daadan jiray Guryahood,Markaas waxaan U sheegayaa Cali waran cade oo aad moodid Inuu kusoo tababartay Dawlada Milatariga ahayd ee maxamed Siyaad Bare Maanta halkii Lama taagna ee Hore ayaa looga talaab saday Ayaan ku odhan lahaa wasiir,Cid aad Maatan Cabudhisaana Dalka Majoogaan.

Waxa uu shacabka Ku dhaqan Degmada Saaxil Xaal ka siiyay Xildhibaanada Ay Garaaceen ilaalad wasiirka arrimaha gudaha somaliland isaga oo ugu baaqay in ay Amaankood Sugtaan waxaana uu yidhi.

“Waxaanu Leenahay shacabka Saaxil Xukuumada 6bilood ayaa u hadhee iska adkaystay Amnigiin Dalkana Inoo ilaaliya,Cali waran cade waxaan leeyahay Horena waa laguu ogaa inaad wariye Afduubtay maantana aad xildhibaano Xasaanad leh oo shacab soo doorteen aad gacan saartay adiga oo Digreeto Lagugu Keenay Marlabaad iyo mar Saddexaad Xisbiga Ucid waxa uu Xaal ka siinayaa Shacabka Saaxil Arinkaas Foosha Xun.