Xisbiga Saddexaad Ee Ingiriiska Oo Dawladooda Iyo Caalamkaba Ugu Baaqay Aqoonsiga Qaddiyadda Somaliland

0
582

Picture3

London(Geeska)-Xisbiga saddexaad ee wadanka Ingiriiska ee UKIP ayaa dawladda Ingiriiska iyo bulshada caalamkaba ugu baaqay in la aqoonsado qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Afhayeenka xisbigaas xildhibaan James Carve ayaa mar uu dad reer Somaliland ah magaalada London kagala qayb galay dabaaldegga maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May wuxuu qorala uu soo saaray sheegay inay Somaliland u qalanto aqoonsi buuxa. “Somaliland waxay 24-kii sannadood ee u dambeeyay ahayd ahayd hoyga nabadda, dimuqraadiyadda iyo meel uu sharcigu shaqeeyo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay, “Waxa la joogaa wakhtigii ay Ingiriiska iyo bulshada kale ee caalamku aqoonsan lahayd qaddiyadda Somaliland. Waa wakhtigii la abaal marin lahaa nabadda.” Ayuu yidhi  waxaanu tilmaamay inay Ingiriiska khalad ku tahay inay dhabarka u jeediyaan aqoonsiga Somaliland. “Waa wax lala yaabo inaynaan uga ololayn sidii ay ogolaansho uga heli lahaayeen wadamada Barwaaqo sooranka. Sannadahan u dambeeyay waxaynu taageernay wadamo ay Mozambique ka mid tahay oo aanu Ingiriiska xidhiidh taariikheed la lahayn. Waa in la bedelaa siyaasadan.” Ayuu hadalkiisa ku soo koobay xisbiga saddexaad ee ugu awooda badan Ingiriisku.