Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Cayimay Wakhtiga La Qabanayo Shirka Golaha Dhexe

0
519

Hargeysa(Geeska):-xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay wakhtiga la qabanayo shirka golaha dhexe ee xisbigaasi.

wwwwww

Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga Waddani Cismaan Afgaab   Oo shalay shir jar,aaid ku qabtay xarunta xisbigaasi ayaa shaaca ka qaaday wakhtiga la qabanayo shirka golaha dhexe, isaga oo fariin u diray xubnaha ku jira  golaha dhexe waxaanu yidhi “Waxaanu warbaahinta ugu yeedhnay inaanu iclaamino  qabsoomida shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani, kaas oo aanu u qorshaynay inuu dhaco 1/10/2016  ilaa 2/10/2016, shirkaas mudaba waa la sugayey waxaanan ogaysiinaynaa dhamaan xubnaha golaha dhexe ee jooga wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba inay ilaaliyaan wakhtigaasi uu gooyey golaha fulinta ee xisbiga oo iyagu xaq u leh inay cayimaan maalinta uu dhacayo  shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani, waana in wakhtiga la ilaaliya, dadka dibada joogaana waa inay si gaar ah u ilaaliyaan.”