Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa sheegay in Doorashadu wakhtigeedii ku dhacayso, Xukuumaduna kharashkii ay bixisay, Xisbiga Kulmiyena diyaar u yahay inuu Doorashada galo.
Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel), oo ka mid ah Wefti Kulmiye ah oo dalka Ingiriiska ku maqan ayaa isagoo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika wuxuu amaan balaadhan u soo jeediyey dadka reer Somaliland ee qurbaha, waxaanu sheegay inay yihiin dad isku duuban oo jecel dalkooda iyo dadkooda, isla markaana soo dhaweeynta ku fiican yihiin, waxaanu yidhi “Safarkii aanu ku tagnay dalka dibadiisa, gaar ahaan Ingiriiska, si aad u qiimo badan ayey dadka reer Somaliland ee qurbuhu noo qaabileen, oo ay noo soo dhaweeyeen, dadkeena qurbuhuna waa dad aad u jecel dalkooda, oo waliba qayb libaax leh ka qaata horumarka dalka”.
Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Doorashadu wakhtigeedii ay ku qabsoomi doontaa, wax walbana waa inaga diyaar, Dawladduna kharashkii waa tii bixisay, Komishankuna si fiican buu u wataa waajibaadkiisi, oo afar Gobol ayaa kaadhadhkii codbixinta laga qaybiyey, waxa inoo hadhsan oo qudha laba Gobol, markaas waxaan aad ugu rajo weynahay in labadaas Gobolna si fiican kaadhadhka looga qaato, Xisbiga Kulmiye waa u diyaar inuu Doorasho xor iyo xalaal ah galo”.
Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigel (Jaamac Shabeel),ayaa dhinaca kale wuxuu baaq nabadeed u soo jeediyey beelaha ay dirartu ku dhex bartay Deegaanka Dararweyne ee Degmada Ceel-afweyn, waxaanu ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan oo ay nabada qaatan, waxaanu sheegay in dagaalku dhib iyo khasaare mooye aanu faa’iido lahayn.