Xisbiga KULMIYE Oo Tahriibka Ku Tilmaamay Masiibo Caalamiya Oo U Baahan In Talo Caalamiya Laga Yeesho

0
520

Hargeysa (Geeska)-Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye ayaa waxa uu tacsi u diray Ehelkii, Qarabadii iyo Shacabka reer Somaliland, waxaanu ka tacsiyadaynayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku dhacday Dhalinyarada reer Somaliland ee doontu kula dhacday Badda Masar.

1

Warsaxafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Xassan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa u dhignaa sidan  "Xisbiga KULMIYE waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa waalidka, ehelka iyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka baxeen dhammaan dhallinyaradii ku halligantay dooniddii

ku qarqoontay Badda u dhaxaysa Masar iyo talyaaniga. Xisbiga KULMIYE waxa uu la diir-naxayaa, lana wadaagayaa murugada ay reebtay masiibadaasi xannuunka badan dhammaan waalidka iyo qaranka JSL. Waxay ahayd masiibo ku timid qadar Alle oo aan marna la oolin karin.

Xisbiga KULMIYE waxa uu u arkaa tahriibka dhallinyarada masiibo caalami ah oo ka jirta Afrika, Aasiya, Koonfurta Maraykan iyo Yurub gudaheedaba, gaar ahaana saamayn ku yeelatay Somaliland, una baahan in talo caalami laga yeesho si xal loogu helo arrintan. Xisbiga KULMIYE waxa uu ugu baaqayaa bulshada caalamka inay wax kala qabato Jamhuuriyadda Somaliland masiibadan qaran ee jecel hal-dhablaysiga dhallinyarada oo ah mustaqbalkii dalkan. Dhallinyarada JSL waa dhuuxii iyo laf-dhabartii qarankan curdinka ah ee Somaliland.

Cid kasta oo Alle meel ku abuuray wuu u dhigay wixii ay u baahnaayeen, mustaqbalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dihnaanta dhulkeeda ma mudna in la qawado.

Walow tahriibku yahay dhibaato haysata caalamka oo dhan gaar ahaan kuwa soo koraya iyo kuwa dunida saddexaadba, xisbiga KULMIYE wuxuu soo jeedinayaan:

In Dhibaatada tahriibka dhallinyarada JSL loo aqoonsado in ay tahay masiibo qaran. Sidaas darteedna laga yeesho talo qaran oo keeni karta xal qaran.

In gacan bir ah lagu qabato, xukuumaddana laga shaqeeyo sidii xididada loogu siibi lahaa shabakadaha mukhallasiinta ee ka shaqaysta tahriibta oo gacanta lagu dhigo waxa ka hadhay inta hore loo qabqabtay.

In dhammaan shacabka Somaliland wada boolis noqdaan oo ciidammada ammaanka kala shaqeeyaan sidii loo heli lahaa goobaha ama saldhigyada ay ka hawlgalaan shabakadaasi dambiilayaasha ah oo ku macaasha geerida iyo diihaalka dhallinyarada.

In caalamku xidhiidh ka yeesho loo aqoonsan lahaa shabakadaha wax tahriibiya, loona maxkamadayn lahaa

 In aynu sii xoojinno iskaashi aynu la samayno dawladaha jaarka, kuwa ay dhexmaraan iyo kuwa baddahooda ay ka tahriibaan dhallinyaradu, isla markaana ay dhammaan dalalkaasi wadaagaan xogaha iyo isu-celinta dadka tahriibaya.

 In la isticmaalo oo ay dawladuhu wadaagaan sawirrada dadka tahriiba si loo aqoonsado dalalka ay ka tageen ama ka soo jeedaan si loogu celiyo.

In waalidku ka warhayo, wacyigelin fiicana ka siiyo ubadkiisa khatarta dhabta ah ee tahriibta, isla markaana waalidku joojiyo lacagaha lagu bixinayo tahriibka

In guud ahaan shacbiweynaha Jamhuuriyadda Somaliland meel uga soo wada jeesto badbaadinta dhallinyarada dalkeenna, gacan buuxdana ay ka siiyaan dawladda iyo ciidammada amniga si wax looga qabto masiibada tahriibka.

Ugu dambayn, xisbiga KULMIYE waxa uu ugu baaqayaa dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland inay ka joogsadaan khatarta tahriibka oo ah hallaag muuqda.