Xildhiban Weli Xaawa Oo Beeniyay Inuu Ka Baxayo Xisbiga Waddani

0
485

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Wali Axmed Xaawa, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa beeniyey, oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu baahiyey baraha Bulshada, oo sheegayay inuu Waddani ka baxayo, Kulmiyena ku biirayo.

Xildhibaan Wali Axmed Xaawa, oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey waxa ka jira inuu warkan ayaa yidhi “Maaha in wax walba la iska rumaysto, mana aha in wax walba oo been ah la iska qoro, anigu Waddani kama baxayo, warkaasina waa been aan waxba ka jirin. Waxaan markaas taageerayaashayda u cadaynayaa inaanay waxaas waxba ka jirin”.