Xildhibaano Si Adag Uga Hadlay Xaaladda Gobalada Bari?

0
629

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay xaalada Gobolada Barri iyo  faragalinta Cali Khaliif Galaydh, Musharaxa u tartamaya jagada Madaxweyne ee Somaliya oo yimid Deegano ka tirsan Somaliland, Calanka Somaliya oo laga taagayo deegaano ka tirsan Dalka, waxayna  Xukuumadda ugu baaqeen inay wax ka qabato arimahan.

dddd

Guddoomiyaha Guddida Difaaca iyo Nabad sugid Golaha Wakiilada Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel, Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan iyo Xidhibaan Baar Siciid, oo shalay shir jaraa'iid ku qabtay xarunta Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay xaalada ka taagan Gobolada Barri iyo faragelinta lagu hayo.

Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa yidhi "Arintan inay Xukuumadda iyo Golayaasha Qarankuna ka hadlaan waa arin waajib ah dadka Barriga Sanaag ama Sool ama Buuhoodle waa dad xasiloonida iyo wanaaga jecel laakiin marnaba lama waayo dad fidno wadayaal ah, oo si xun wax u turjumaya, oo si xun wax u faafinaya, oo doonaya meelahaas nabadgalyadu ka jirto inay nabadgalyo daro iyo shaqaaqo ka abuuraan, oo aanay suurtagalayna inay had iyo goor ku abaabulan dadka, Somaliland waxay ahayd dal madax banaanida qaatay 1960-kii, xuduudaheeduna way sugan yihiin intii ay ahayeena waa la yaqaana, xuduudaha Somaliland waa muqadas, waxa u xilsaaran ilaalinteeda iyo in aan lagu soo xudgudbin dhammaan Shacabka Somaliland".

Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel  ayaa dhinaca kale wuxuu sheegay in Cali Khaliif Galaydh uga digayo inuu fidno ka dhex abuuro dadka, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay sida ugu dhakhsaha badan arimahan uga hawlgasho oo ay wax uga qabato, isaga oo tilmaamay in Calanka Somaliya oo meel laga taago aanu jiritaanka Somaliland waxba yeeli doonin

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi "Somaliland xad bay leedahay, wax maanta la abuurayo oo la sameeynayo maaha,  Cali Khaliif haddii uu soo galo oo dagaal iyo abaabul oo dadka dacaayado aan jirin ula yimaado wax soconaya maaha,  dadkaasina waa dad nabadgalyo jecel, waa dad og meesha ay ka tirsan yihiin oo Somaliland ah, mana ah taariikh cusub, taariikhda Somaliland waa wax soo jireen ah, Calina waa nin kursi madax maray oo marna Sool u cararaya marna Sanaag u cararaya, waxaana leeyahay akhrul cimri baad tahaye dadkaaga fidno ha galin".

Xildhibaan Siciid Cartan wuxuu sidoo kale ka hadlay Calanka Somaliya oo si dhuumasho ah looga taagay deegano ka tirsan Somaliland, waxaanu sheegay in calankaas iyo wax la mid ah aanay Somaliland waxba u noqonaynin, difaaca dalkuna cid walba waajib ka saaran yahay.

Marwo Baar Siciid oo iyana ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa xaalada ka taagan Gobolada Barri masuuliyadeeda dusha ka saartay Xukuumadda waxayna tidhi "Dalku waa Somaliland oo aynu ku ogeyn xuduudo la bedelay oo la inoo sheegin xaqiiqdii, laakiin waxaan is leeyahay haddii Dhalinyaro hadasho iyo haddii Waayeel hadlaba  Xukuumadda maanta taladda haysa ayaa fashilaada leh,iyada ayaa ku fashilantay iyada ayaa dayacday, iyadaa xilkeedii ka soo bixi weyday, dadkuna haddii uu xukuumad waayo, haddii uu wax qabad waayo, halkaas ayey iska war wareegayaan, oo waxay doonaan bay odhanayaan, Cali Khaliif waa nin reer Somaliland ah waa nin muwaadin ah, waxaan is leeyahay isaga laftiisu haddii uu waayo xuquuqdiisi iyo wuxuu xaqa u leeyahay wuxuu doonuu iska sameeyanayaa, Rag Ciil Cadaab ka dooray, laakiin waxaan is leeyahay eedda meesha ka jirta dadka degana ma leh Cali Khaliifna ma leh ee Xukuumadda ayaa leh, iyada ayaana xilkeedii gabtay oo ka seexatay".

Dhinaca kale waxay sidoo kale Marwo Baar Siciid sheegtay in Diiwaangelinta Goboladaas laga qabanayo iyo goobaha u baahan in Ciidamo la geeyo ee u baahan in amaankooda la sugo in aanay ilaa hadda Xukuumaddu xil iska saarin ee ay ku mashquushay oo qudha Dekadda Berbera.