Magacyada Dad Loo Xukumay Qaraxii Diyaarada Daallo

0
601

Muqdisho(Geeska)-Maxkamadda ciidamada ee dalka Somaliya ayaa shalay xukuno adag ku riday afar qof oo loo haystay inay ku lug lahaayeen qaraxii diyaaradda Daallo.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunada lagu riday eedeysanayaasha.

Maxkamada ayaa xabsi daa’in ah ku riday Cabdiwali Maxamuud Macow iyo Careys Xaashi Cabdi oo maqane ah.

Maxkamada ayaa sheegtay in Cabdiweli Maxamuud Macow oo ahaa madaxii amniga ee hey’adda duulista iyo saadasha hawada ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho uu kamid ahaa dadkii soo abaabulay qaraxasi.

Sido kale maxkamada ayaa sheegtay in Safiya Cabdillaahi Xasan Cali iyo Abshir Maxamed Macalin Axmed in lagu xukumay afar sano oo xadhig ah.

Dacwada kiiska la qaraxii diyaaradda Daalo ka dhex dhacay wax yar uun kadib markii ay ka kacday garoonka Muqdisho barqanimadii ay bisha Febraayo ahayd 2 sanadkan 2016ka ayaa soo martay dhawr dhagaysi iyadoo tirada dadka loo haystay ay dhanaayeen 15 qof oo mid kamid ah dacwadiisa la qaadayay isagoon gacanta lagu hayn.

Dadka loo haystay dacwadan ayaa isugu jiray shaqaale garoonka ka shaqayn jiray, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo dad kale kuwaas oo la soo qabqabtay kaddib baadhitaano.