Xildhibaano Raali-Gelin Ka Bixiyay Eedo Loo Jeediyay Madaxweyne Ku Xigeenka

1
582

Hargeysa(Geeska)-Saddex Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha lagu qeybiyay deeqdii raashinka ahayd ee Turkiga lagu saleeyay lixdii gobol ee hore, gobolada cusubna la raaciyay gobolka ay hore uga tirsanaayeen. Waxaanay xaal ka bixiyeen odayaal ka soo jeeda gobolka Gabiley oo eedo u jeediyay Madaxweyne Ku xigeenka.

Xildhibaanadaasi oo kala ahaa xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe, xildhibaan C/laahi Xuseen Cigge Balaaki iyo xildhibaan Xasan Cawaale oo ka soo jeeda gobolka Gabiley ayaa faahfaahin ka bixiyay qaybta uu gobolka Gabiley ka helay raashinkii uu Turkigu ugu deeqay Somaliland oo qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo odayaasha Golaha deegaanku ay siyaabo khaldan uga hadleen qorshaha qeybinta raashinkaasi.

xildhibaan C/laahi Balaaki oo ugu horeyn ka hadlay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen xarunta Golaha Wakiiladda waxa yidhi “waxaanu shirkan jaraa’id kaga jawaabaynaa hadalo xalay ay warbaahinta kale duwan ka jeediyeen qaybo ka tirsan max dhaqameedka gobolka iyo qaybo ka tirsan bulshada oo siyaabo qaldan u fahmay raashinka uu gobolku ka helay raashinkii uu Turkigu bixiyay.

Gabiley wax la keenay raashin dhan 250 tan gobolkan Maroodi Jeex oo dhan wax la siiyay 700 oo tan, tiradaasi Maroodi Jeex oo dhan la siiyay Gabiley waxa ay ka heshay 250 tan, sida Gabiley loogu sad kordhiyayna waad aragtaa, lixdii gobol ee hore mid kasta waxaa la qaybsaday goboladii cusbaa, Burco waxaa la qaybsaday Oodweyne, Laascaanoodna waxa la qaybsatay Saraar oo gobol cusub ah, Awdal waxaa la qaybsaday Salal oo gobol cusub ah.Gobolka Gabileyna waxa uu ka mid yahay gobolada cusub ee la qaybsaday goboladii ay hore uga tirsanaayeen, waxaan ay 700 oo tan Gabiley ka heshay 250 tan.”

“Waxaanu halkan ka cadaynaynaa in aanu jirin wax raashin ah oo Gabiley laga soo celinayaa ee ay reer Gabiley raashinkaa imika Gabiley yaala uun qaybsan doonaan Degmo iyo Tuulooyinkiisa.Dadweynaha gobolka ee sida xun wax loo fahansiiyayna waxaanu u sheegaynaa in gobolka aanu anagu nahay xildhibaanadiisii oo aanu anagu gobolka u maqanahay wixii baahi ah ee gobolka ka jirana aanu ka hadli doono, cabasho kastaana ay marka hore naga na soo gaadhsiiyaan si aanay uga faa’iidaysan dadka war xumo tashiilka ah ee sida xun wax u sheegayay,” ayuu yidhi Xildhibaan C/laahi Balaaki oo hadalkiisa sii watayna waxa uuyidhi “waxaanu xaal ka bixinaynaa hadalo ka soo baxay qaar ka mid ah madax dhaqameedka Gabiley oo runtii aanu u aragno in aanu ahayn ama ku haboonayn inuu yidhaah nin madax dhaqameed ah, oo aanu u haysano in markii uu warka war xumo tashiilku soo gaadhay uun u hadaladaasi ku cadho hadlay”.
“Waxaanu halkaa ka cadeynaynaa in cid kasta oo uu hadalkaasi sameeyay ama lagu soo qaaday magacooda aanu xaal ka siino una sheegno in arrinkaasi uu kali ku yahay ninkaasi yidhi oo aanay reer Gabiley la qabin dadkaasi aanu xaalka ka siinayno, hadalkaasi oo uu madaxweyne ku xigeenku ugu horeeyo,”ayuu yidhi Xildhibaan Cabdilaahi Balaaki.

Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Raashinka waxa wanaagsan waxa uu gobolku ka cabanayo in marka hore qorshaha la samaynayo ay Badhasaabka iyo cidii kale ee ay khusayso ay ka hadlaan, haddii wax la saluugayo haddii cabasho jirto.Hadalkaa ka soo yeedhay nabadoonkaygana ee inta badan ku socday madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha Somaliand oo website-yadu aad u qoreen, waxaan ka bixinayaa raaligalin nabadoonkuna waxaan leeyahay waa in uu raaligalin ka bixiyaa hadalkaasi, shacbiga reer Gabileyna waxaan leeyahay haddii aynu reer Gabiley nahay yaynaan sida gobolada aan wax soo saarka lahayn u hadlin ee aynu Alle ugu mahadnaqno waxa uu ina siiyay haddii ay beero tahay iyo haddii ay baayacmushtar tahayba.”

Xildhibaan Xasan Cawaale oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu la qabo xildhibaanada hadalkaa ay yidhaahdeen, dadkana uu kula talinayo in aanay warbaahinta isticmaalin ee ay cida ay khusayso sideeda ugala hadlaan.”

Comments are closed.