Xildhibaano Ka Hadlay Xubnaha Uu Madaxweynuhu Soo Magacaabay Ee Guddiga Doorashada

0
750

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada iyo Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo isna ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay aragtidooda ku waajahan khilaafka ka taagan Komishanka iyo go’aanka uu Madaxweynuhu ku adkaystay.

Xildhibaan Maxamed Saalax Cige  iyo Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Maxamed Salaax Cige, wuxuu sheegay in aanu sharcigu ogolaanaynin saddexda xubnood ee uu Madaxweynuhu u magacaabay komishanka inay ka mid noqdaan,waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Dr Fadal oo Xisbiga Waddani hore u soo xulay Madaxweynihii hore ee Axmed Siillaanyo ayaa dib u soo celiyey, isla wakhtigaasna Muuse Biixi oo Guddoomiyaha Kulmiye ahaa wuu diidanaa Dr Fadal inuu Komishanka noqdo, Ina Riyo-Raac kama wanaagsana Dr Fadal ee waa la kiis, waliba isagu waa xubin firfircoon oo Kulmiye ah, cid walibana wey og tahay,xubin firfircoon oo Kulmiye ahina Komishan ma noqon karto, ta kale ninka dhalinyarada ah ee isna Madaxweynuhu soo xulay isna waa Xisbi yahan, oo isna Ina RIyo Raac waa la kiis, oo isna Komishan ma noqon karo sharciyan, Madaxweynaha iyo Madaxda Xisbiyaduna waxay ku heshiiyeen in aan dib loo soo celin Komishankii hore, sidaas oo ay tahay Madaxweynuhu wuxuu dib u soo celiyey xubin ka mid ah Komishankii hore, iyana kama mid noqon karto Komishanka, maxaa yeelay Madaxweynuhu sidaas wuxuu ku jabiyey h eshiiskii uu galay, sidaas darteed ina riyo raac oo ah Kulmiye xaqjira, iyo inantan ka mid ah Komishanka ay Madaxweynaha iyo Madaxda Xisbiyadu Mucaaradku ka heshiiyeen  ma noqon karaan Komishan dhex u noqon kara Xisbiyada Qaranka, ee Madaxweyne heshiiska aad la gashay Xisbiyada Mucaaradka cidina ka yeeli mayso inaad jabiso”.

Mar uu ka hadlaayey isku halaynta uu Madaxweynuhu qabo iyo sida uu ugu adkaysanayo go’aankiisa ayaa yidhi “Todobada Xubnood  ee Komishanka noqonaya waxaa looga baahan yahay inay noqdaan dad aan ku milmin siyaasada iyo xisbiyada, kadibna waxaa loo soo gudbinayaa sharciyan shir gudoonka, shir gudoonkuna wuxuu u sii gudbinaya Guddida Arrimaha Guddaha ee Barlamaanka iyaga ayaa kala saaraya sharciyan, oo dib u eegaya xubin walba tixraaceeda, sidaas ayaa kadibna Golaha lagu soo gudbinaya, oo cod loogu qaadaya, laakiin Madaxweynuhu isku halayn buu ka qabaa aqlabiyada uu Xisbigiisa Kulmiye ku leeyahay Wakiilada, laakiin Xisbiyada Mucaaradka waxaa la gudboon inay Maxkamadda ku garnacqadaan,oo wixii caddaymo ah ee ay hayaan ay geeyaan, una soo bandhigaan wax kasta oo ay diidan yihiin iyo caddaynta ay ka hayaan”.

Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo isna arintan ka hadlaya  ayaa sheegay in loo baahan yahay in qof walba ilaaliyo shuruucda iyo sharciga dalka u yaala, waxaanu xusay in Golaha Wakiilada waajib culusi saaran yahay, waxaanu yidhi “Wadan kastaaba wuxuu leeyahay nidaam, xeer iyo sharci u yaala, oo uu dhigtay, inaguna Somaliland ahaan waxaa la inooga baahan yahay inaynu ilaalino sharciga iyo xeerarka aynu dhiganay, sidaas darteed maalmihii ugu dambeeyey khilaaf siyaasiya oo dhinaca arimaha Komishanka ah ayaa jiray, waxaana hadda masuuliyadu saaran tahay Golaha Wakiilada, markaas Golaha Wakiilada waxaan leeyahay waajibkiina dastuuriga ah daacadnimo u guta,cadaalada darada ka dheerada, si xeel dheerna ku kala saara xubnaha Komishanka ee la idiin soo gudbiyey, cidii u qalanta iyo cida aan u qalmin inay Komishan noqoto shuruucda dalka u mara”.

Mar uu ka hadlaayey Shilalka Gawaadhida ee soo badanaya ayaa yidhi “Waxaad mooda in shilalka gaadiidku inuu aad inoogu soo batay, oo maalin walba waxaad maqalaysaa ama arkaysaa gaadhi dhacay oo dadna ku dhinteen, dadna ku dhaawacmeen, kolay wixii ALLE qadaray waa wax qoran, cid baajin kartaana ma jirto, oo naf waliba halkay ku baxayso, oo siday u baxayso ALLE ayaa qoray, inaguna waxba kama qaban karno, balse waxaan leeyahay dadka gawaadhida wada taxadir badan ha muujiyaan, oo si miir iyo maan qabta ha u wadaan gaawadhida, si looga badbaado khasaare dhasha”

Xildhibaan Maxamed Wali ayaa mar uu ka hadlaayey Qabyaalada ayaa yidhi “Qaranimada ayaa ka wanaagsan Qabyaalada, ee shacabka waxaan leeyahay ka dheerada qabyaalada, oo ka dheerada wax kasta oo dhib iyo hagardaamo abuuraya, oo mar walba ogaada ALLE ka cabsiga iyo cibaadada uu ALLE Inagu adoonsaday”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here