Xildhibaano Ka Hadlay Qaddiyadda Saami Qaybsiga Golaha Wakiilada

22
5745

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige iyo Xildhibaan Faarax Maxamuud Cabdule (Faarax Dheere), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay saami qaybsiga, xilli ay jiraan tabashooyin dhinaca saami qaybsiga ah, waxayna sheegeen in masuuliyadda kowaad ee Saami qaybsigu ay ka go’do Madaxweynaha.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige iyo Xildhibaan Faarax Maxamuud Cabdule (Faarax Dheere), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, isagoo  ka hadlaya Saami qaybsiga  yidhi “Madaxweynaha ayey ka go’an tahay in Saami qaybsi la sameeyo, iyo in Dastuurka la furaba, cid kalena kama go’do, kolay tabashada iyo saami qaybsigu waa kala jaad, tabashadu waa wuxuu reer kaliya uu iska maamulanayo, oo hoostana rubad ka tahay, korna sumini ka tahay, saami qaybsigu waa wixii lagu heshiiyey dib ha loogu noqdo, oo wax ha laga bedelo Dastuurka”.

Xildhibaan Faarax Maxamuud Cabdule (Faarax Dheere), oo isna ka hadlay cida masuul ka ah saami qaybsiga ayaa yidhi “Madaxweynuhu ha yidhaahdo ama sidii hore ha lagu galo Doorashada, ama ha yidhaahdo wax ha laga bedelo, taladaasi Madaxweynaha ayey ku xidhnayd, oo laga sugaayey, ama cid ha u saaro, ama talo qaran ha la dhigo, ama isagu ha soo jeediyo, Xeerkuna sidiisa kale uu u dhamaa, Goluhuna uu yeelan karaa qaar leh sidii hore ha lagu galo, qaar leh waxaan ahayn saami qaybsi ku gali maynana wey jiraan”.

Dhinaca kale Xildhibaanada ayaa rajo aad iyo aad u wanaagsan ka muujiyey Shirka Ceel-afweyn, waxayna si gaar ah ugu direen baaq labada reer ee heshiiskooda la wado, oo ay ugu baaqeen inay nabada mar walba ilaaliyaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here