Xildhibaano ka Hadlay Ismarin Waaga Soo Kala Dhex Galay Xisbiyada

0
1313

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf iyo Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay marxalada siyaasadeed ee uu dalku marayo, ismarin waaga Xisbiyada, Miisaaniyaddii Qaranka ee ay ansixiyeen iyo qodobo kale.

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf iyo Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, uu hadalkiisi ku bilaabay “Markii hore labada Xisbi ee Mucaaradka ah ayaa is raacsanaa, oo Dawladda u soo jeediyey arin ay ka midaysan yihiin, oo ah in sida Komishanka loo soo xulayo ay noqoto si siman oo cadaalada ah, dabadeed tiiba la waayey, waxaanada mooda in labadii Xisbi Mucaarad ay tihii ku kala baxeen, oo Xisbigii Mucaaradka ahaa ee UCID ayaa Xisbigii Kulmiye raacay, inkasa oo ay imika Xisbiyada UCID iyo Kulmiye ay isku aragti noqdeen, haddana Xisbiga Waddani uu diiday, arintiina waa lagu kala kaxay, goor dambe oo la isku soo noqon doonana garan mayno, Xisbi Waddani, wuxuu taagan yahay mar haddii la wada qabanayo Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada oo isa saaran, waa in Komishanka nidaamkiisa wax laga bedelaa, waayo markii hore ayuu mad-madaw ku jiray, halka ay Xisbiyada kalena fikir kale ay soo jeediyeen”.

Xildhibaan Xuseen mar uu ka hadlaayey Somaliya iyo Somaliland ayaa yidhi “Somaliland iyo Somaliya waa kala taariikh, Somaliland taariikh u gooniya ayey leedahay, Somaliya taariikh u gooniya ayey leedahay, Somaliland iyada ayaa ka dawlad ah Baddeeda iyo Xadkeedaba, haddii ay Shirkado tahayna Somaliland baa liisan ay ku fasaxayso siinaysa, laakiin waa sharci daro inay Somaliya ku soo xad gudubto Somaliland, isla markaana sheegato”.

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan  ayaa isna isagoo ugu horeyn ka hadlaya Xisbiyada yidhi “Marka ay Doorasho dhici weydo sharci iyo nidaam ayaa ka yaala, oo Dastuurka ayey ku qoran tahay, haddii ay Doorashaduna ku dhici weydo xilligeeda oo Komishanku caddeeyo, oo uu Madaxweynaha u soo qoro, Madaxweynaha isna waxaa ku waajib ah oo laga rabaa inuu warqad u qoro Guurtida, Guurtida ayaana hawshan iska leh oo Dastuurku gaar u siinayaa, hawsha ay Guurtidu xaq u leedahay xaq maaha in suuqa lagu hayo, oo Axsaab iyo dad kale ay suuqa ku haystaan, wax Dastuurkia waafaqsan iyo meel ay kaga qoran tahay inay Axsaabtu arinkan galaan xaq uma leh”.

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan   mar uu ka hadlaayey Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Dawladda Somaliya Xamar gudaheeda ayey xukumi kari ladahay, markaas ayey Somaliland isku soo qaadaysa, hore ayaa loo yidhi tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dara, Dawladda Somaliyada iyada oo hanan karin weyday oo sugi kari weyday amaanka Xamar, may ahayn inay isku soo qaato dal iyo dad aanay ka talin, Shirkaddaha ay heshiiska kula gashay Dawladda Somaliya Baddeenana ma iman karan, mana soo gali karaan xadkeena”

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf iyo Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan, ayaa dhinaca kale waxay ka hadleen Miisaaniyadda Qaranka, ee dhawaan Golahoodu ansixiyey, iyagoo ahaa Xildhibaandii sida adag uga soo hor jeestay, dooda adagna ka dhiibtay, waxayna se xuseen in Cashuurihii ay ka saareen Miisaaniyadda, oo lix Wasaaraddood soo gudbiyeen, inay ahaayeen Cashuuro sharci daro ah oo umadda culays ku ah, waxay kale oo ay tilmaameen in wax aad loola yaabo iyo khalad ahayd in Miisaaniyadda laga reebo  Dekadda Berbera iyo Saldhiga Milatari ee isla Berbera.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here