Xildhibaano Ka Hadlay Ismari-Waaga Xisbiyada

0
1284

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac, oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay aragtidooda ku saabsan mawqifka uu Xisbigoodu qaatay, iyo go’aanka labada Xisbi ee UCID iyo Kulmiye ka qaateen Doorashada.

Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika Ayaa ugu horeyn Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, wuxuu hadalkiisi ku bilaabay “Go’aanka ay qaateen Xisbiyada Kulmiye iyo UCID, waa go’aan aad iyo aad loola yaabo, waa go’aan riyo ah oo aan sinaba suurtagal ku noqon Karin, Xisbiga Waddani, wuxuu tabanayo, ee uu rabo in laga qanciyo, waxaa haboon in laga qanciyo, laakiin in go’aan aan suurtagal noqonayin in la iska qaato maaha, in laba Xisbi oo qudha ay Doorasho qabsadaan, wax suurtagal ah, maaha, wax soconayana maaha, waa iska hadal iyo go’aan aan soconaynin”.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac, ayaa isna yidhi “Xisbiga Kulmiye waxaa la gudboon inuu oofiyo oo uu yeelo wixii dalka u dan ah, Komishankana waxa lagaga dhagan yahay ee lagu haysto garan maayo, inay is casilaan ayey ahayd, maxaa yeelay lama doonayo, nimanka kala saari waayey laba Xildhibaan, ma kala saari karaan boqolaal kun oo qof, waxay Komishankani meesha kaga dhagan yihiin, Madaxweynuhuna kaga dhagan yahay garan maayo, ee haddii ay is casili waayan waa inuu Madaxweynuhu kala diraa, ee Madaxweyne adigoo Kulmiye markaad diiday Komishankii, waa kii Daahir Rayaale kala diray, ee mar haddii Xisbigii Waddani, uu maanta wax ka tirsanayo Komishankan inay meesha sii joogaan maaha, ee kala dira, danta dadka iyo danta dalkuna waxay ku jirtaa in la kala diro Komishankan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here